Himilo- Laacibka qadka dhexe ee kooxda Bayer Leverkusen Kai Havertz ayaa lagu soo waramayaa inuu u muuqdo mid bartilmaameed u ah afar naadi oo ka dhisan Premier League.
20 jirka ayaa loo arkaa mid ka mid ah rajada ugu saraysa kubada cagta Jarmalka isagoo durbaba 30 gool dhaliyay 107 kulan oo uu u saftay Leverkusen.
Laacibkan ayaa loo arkaa inuu ka tagayo kooxda Bundesliga ka dhisan, isaga oo kubadsameeyaha xulasho u heysto 12ka bilood ee soo socota in uu kordhiyo.
Sida laga soo xigtay Sport1, Manchester United, Liverpool, Arsenal iyo Chelsea ayaa dhamaantood isha ku haya xaalada ka hor inta aysan lacag aad u badan ku dalban kooxdiisa 12ka bilood ee soo socota.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Manchester City, Barcelona iyo Real Madrid ay muddo dheer xiiseynayeen, iyadoo warbixinta ay intaas ku dartay in Barca ay door bideyso Havertz.
Wargayska Metro ayaa sheegaya in Leverkusen ay ku qiimeeyaan qiimahooda ugu qaalisan oo ah £ 91m.