Home / Cayaaro / Kooxo reer England ah oo durba ku loolamaya Carlo Ancelotti

Kooxo reer England ah oo durba ku loolamaya Carlo Ancelotti

Himilo- Kooxda Everton ayaa  isku diyaarinayso in ay kula dagaallanto kooxda Arsenal saxiixa macallinka khibradda leh ee Carlo Ancelotti.

60 jirkan ayaa laga ceyriyay kooxda Napoli habeenkii talaadada inkastoo uu kooxda ku hogaamiyay wareega 16ka Champions League ka dib markii ay 4-0 kaga badiyeen kooxda Genk.

Naadiga  reer Talyaani ayaa si liidata ugu hooseysa horyaalka Serie A xilli ciyaareedkaan, iyaga oo keliya shan guul gaaray 15 kulan oo ay dheeleen kana dhigtay mid joogta kaalinta 7aad waxa ayna  17 dhibcood ka hooseysa kooxda hogaanka heysa ee Inter Milan.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, Hogaamiyaha Everton ayaa u muuqda inuu Ancelotti  u doorto booska uu baneeyay Marco Silva oo haatan uu heysto macalin ku meel gaarka ah ee Duncan Ferguson.

Isla warbixintaas, inkastoo, ay sheegeyso in Arsenal ay sidoo kale ku jirto dooda ninka reer Talyaani, kaasoo Chelsea ku hogaamiyay hanashada Premier League 2009-10 waqtigiisii  ​​hore ee England.

Gunners ayaa ceyrisay Unai Emery dhamaadkii bishii hore ka dib qaab ciyaareed niyadjab leh, iyadoo Freddie Ljungberg loo magacaabay kooxda London ka dhisan waqti gaaban.

Everton ayaa kulenkeeda  xiga ee Premier League  marti u ah Manchester United isbuuca soo aadan, halka Arsenal ay martigelin doonto kooxda difaacaneysa Koobkan  ee Manchester City.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan