Himilo –Dhawaan galka Chelsea hoggaamiya ee Frank Lampard ayaa helay guushii ugu horreysay ee Premier League 2019-20, kaddib markii ay ka adkaadeen Norwich City sabtidii lasoo dhaafay ciyaar ka dhacday garoonka Carrow Road.
Khadka dhexe ee kooxda Blues ninka lagu magacaabo Mateo Kovacic ayaa is barabardhig ku sameeyay tababaraha haatan iyo midkii hore.
Kovacic ayaa ku biiray garoonka Stamford Bridge isaga oo kasoo dhaqaaqay fasal ammaah Stamford Bridge xagaagii 2018 balse si joogto ah ayuu ugu biiray bishii laga soo tegay.
Xilli ciyaareedkan, 25-jirkan ayaa goor hore kusoo billowday seddex kulan oo Premier League, waxaana uu laacibkan caawin ku qoray akoonkiisa. Maurizio Sarri, kaasi oo Chelsea kula guulyestay UEFA Europa League fasalkii lasoo dhaafay ku biiray Juventus dhammaadkii 2018-19.
Isaga oo la hadlayay warbaahinta, xiddiga Croatia ayaa sharraxay waxa uu dareemayo hadda marka loo eego xagaagii lasoo dhaafay.
Kovacic, kaasi oo caawin sameeyay keliya seddex kulan kaddib 53 kulan oo uu u ciyaaray Blues ayaa aaminsan in goortii la magacaabay Frank Lampard uu tallaabo horey u qaaday isaga oo yiri:
“Isagu waxa uu i siiyey xornimo badan, waxaan qaadan karaa kubadda horey ayaana u dhaqaaqi karaa, waxaan dareemayaa wanaag.”
Waxa uu intaa raaciyay “Wanaaggu waxa uu yahay mid isku xiraya tababaraha iyo kooxda oo dhan, waxaan hadda ahay ciyaaryahan Chelsea ah, dareen wacan ayaan heystaa.”