Home / Habka-Nolosha / Kulanka Real Madrid iyo Las Palmas ee horyaalka  La Liga

Kulanka Real Madrid iyo Las Palmas ee horyaalka  La Liga

Muqdisho – Real Madrid  ayaa dib ugu soo laabtay garoomada kulanka afaraad ee meel bannaan oo ka mid ah 11 maalmood oo  ay wajahayaan Las Palmas ee Primera Division ee habeenkan arbacada ah .

Zinedine Zidane ayaa Arbacadii la soo dhaafay 2-0 ku garaacay kooxda Espanyol ee Santiago Bernabeu 18 February, ka hor inta uusan guul darro 2-1 ah ka qaadan  Valencia ka dibna 3-2 kaga badisay Villarreal  axadii ka  dibmarkii ay ka soo kabatay labo gool  oo lagaga Hor maraya  si ay  seddexda dhibcood ee Estadio de la Ceramica kaga soo qaataan.

Los Blancos ayaa hal dhibic ka sareeysa Barcelona  miiska kala Horaynta balse  weli kulan ayaa u baaqi ah  dib markii ay kulan ay marti u ahaayen  Celta Vigo Bilowgii February  waxaa dib loo dhigay sababo la xiriira dhaawac duufaan ah oo uu garoonka kooxda Galician ee Balaidos gaar siiyay.

Wararka Kooxahan ka Cusub

Raphael Varane ayaa maqnaanayaa muddo isbuucyo ah ka dib markii dhaawac uu kula dhacay Mestalla Stadium Arbacadii la soo dhaafay, halka Danilo uusan weli diyaar u ahayn  inuu ku soo laabto Madrid maanta, mana ciyaarayo kulanka Blaugrana ay la qaadanayso Las Palmas.

Gareth Bale ayuu soo gaaray dhaawac jug ah kulankii  ay 3-2 kaga badiyeen  Villarreal Axadii, laakiin xidiga reer Wales ayaa urajaynaya u tartamida inuu ku soo bilowdo tan iyo markii labaad uu ka soo kabsaday dhaawac canqowga uu la  maqnaa muddo ku dhow saddex bilood.

Tababare Zinedine Zidane ayaan lahayn  ciyaaryahan ganaax ku maqan kulanka Primera Division ee gurigooda ku qaabilayaan  Las Palmas habeenkan Arbacada ah.

Las Palmas  ayaa ku bilaabatay kubad fiican xilli ciyaareedkaan La Liga, laakiin Canary Islanders  ayaa laga badiyay afartii kulan ee ugu danbeysay tan iyomarkii uu la soo  saxiixdaa Ciyaaryahankii hore ee Real Madrid Jese iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee hore ee Barcelona Alen Halilovic  January.

Angel Montoro, Michel Macedo iyo Javi Castellano ayaa iyagana dhaawac ah oo aan ka qeyb qaadan  safarrka Santiago Bernab, halka Marko Livaja uu shaki ku jiro.

Xaqiiqda Kulankaan.

Real Madrid ayaa weli looga badinin Santiago Bernabeu kulan ka dhanka ah Las Palmas ee La Liga (waxa ay badisay 28, iyo afar barbaro).

Las Palmas ‘Guushii ugu danbeysay ee La Liga ay la ciyaarayaan Real Madrid ayaa ahaa 2001-02 – 4-2 guul ah ay gurigooda kaga gaareen  15 sano ka dib guul kama qaadan Los Blancos.

Real Madrid ayaa dhalisay Goolaly 44 kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, waxa ay barbareeyasy baxsad ugu fiican ee kooxda La Liga ka weligeed samaysa(Barcelona  1944).

Kulan uu kahor tagay  Villarreal, Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahankii Liga ee  rigoore ugu dhaliyay (57), waxa uu dhaafay Hugo Sanchez (56).

Kulanka: Real Madrid v Las Palmas.

Garoonka: Santiago Bernabeu.

Waqtiga: 11:30pm Saacada Geeska Afrika.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan