Home / Arrimaha Bulshada / Xasan Nasrallah oo lagu aasay Beruet

Xasan Nasrallah oo lagu aasay Beruet

Kumaan qof oo xiran dhar madow ayaa ballan qaaday taageeradooda Xisbullah intii lagu jiray aaska hoggaamiyihii la dilay, Hassan Nasrallah, oo lagu aasay Beirut, kadib markii kooxdaasi ay la kulantay dhirbaaxooyin culus dagaalkii ugu dambeeyay ee ay la galeen Israa’iil.

Haween ayaa barooranayay xilli gaari xamuul ah oo sidday naxashyada Nasrallah iyo Hashem Safieddine – oo ahaa dhaxal-sugaha uu Nasrallah doortay, balse lagu dilay duqeyn kale oo Israa’iil fulisay – uu si tartiib ah ugu socday dadkii aaska ka soo qeyb galay. Naxashyada ayaa dushooda waxaa lagu xardhay laba cimaamadood oo madow, waxaana lagu duubay calanka jaallaha ah ee Xisbullah.

Dilkii bishii Sebteembar loo geystay hoggaamiyihii awoodda badnaa, oo in ka badan saddex sano hoggaaminayay Xisbullah, islamarkaana lagu dilay duqeyn xooggan oo Israa’iil fulisay, wuxuu dhirbaaxo culus ku noqday kooxda Iran taageerto.

Hase yeeshee Xisbullah, oo tobannaan sano saameyn weyn ku lahaa siyaasadda Lubnaan, wuxuu taageero ballaaran ka haystaa bulshada Shiicada ah ee tirada badan ee dalkaasi.

Markii aaska laga bilaabay garoonka ciyaaraha ee Camille Chamoun Sports City Stadium, diyaarado dagaal oo Israa’iil leedahay ayaa si hoose uga duulay hawada Beirut, arrintaas oo Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, uu ku tilmaamay “farriin cad” oo ka dhan ah cid kasta oo khatar gelisa Israa’iil.

Hoggaamiyaha cusub ee Xisbullah, Naim Qassem, oo khudbad toos ah uga jeediyay xafladda aaska, ayaa sheegay in Xisbullah uu sii wadayo “wadadii” Nasrallah, isla markaana uu diidayo in “Maraykanka dulmiga badan” uu xukumo Lubnaan.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan