Home / Caafimaad / Kumuu noqon karaa da’yarkii 2aad ee ugu qaalisanaa kubadda cagta?

Kumuu noqon karaa da’yarkii 2aad ee ugu qaalisanaa kubadda cagta?

Himilo –Benfica ayaa sheegtay inay ka fekereyso dalab 126 milyan oo Euro ah oo u dhiganta (£112.9milyan) oo ka yimid Atletico Madrid oo ku aadan weeraryahanka reer Portugal Joao Felix.

Dalabkani wuxuu ka sarreeyaa €120milyan oo lagu burburin karo qandaraaskiisa, laakiin kooxda ka dhisan La Liga ayaa dooneysa inay bixiso kharashkaas.

Felix wuxuu noqon karayaa xiddigii  shanaad ee ugu qaalisan taariikhda isagoo ka danbeeya  Neymar, Kylian Mbappe, Philippe Coutinho iyo Ousmane Dembele.

Waxa uu kulankiisii ​​ugu horreeyay u ciyaaray bishii August isagoo dhaliyay 15 gool xilli ciyaareedkii hore.

Felix ayaa sidoo kale noqon doona da’yarkii labaad ee ugu qaalisan adduunka kaddib 180m Euros markii uu  Monaco uga dhaqaaqay oo uu ku biiray Paris St-Germain Mbappe 2018-kii.

Ciyaaryahankii hore ee FC Porto ayaa kulankiisii ​​ugu horreeyay u saftay  markii ay qaabileen Switzerland kulankii semi-finalka Nations League ee bishaan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan