Kumuu Robin van Persie ku eedeeyay hoos u dhaca Sanchez?

Himilo –Xiddigii hore ee Man Utd, Robin van Persie ayaa ku dhaleeceeyay tababarihii hore ee kooxda Jose Mourinho in uu ka danbeeyay hoos u dhaca Alexis Sanchez.

Shan waxyaabood oo aad u baahan tahay in aad ogaato:

  • Alexis Sanchez ayaa Man Utd kusoo biiray Janaayo 2018, isaga oo ka yimid Arsenal kaddib heshiis kala beddelasho oo ay ku kala wareegeen isaga Henrikh Mkhitaryan.
  • Sanchez imaanshiyahiisa Old Trafford waxaa loo xirey tirsiga 7 ee maaliyadda kooxda.
  • Waxa uu 5 gool ku dhaliyey 45 muuqasho oo uu ka sameeyay Red Devils.
  • Mustaqbalka Sanchez shaki ayaa ku jira keliya hal sanno iyo bar oo uu naadiga joogo.
  • Ole Gunnar Solskjaer ayaa adeegsaday Daniel James intii lagu guda jiray isu diyarinta xilli ciyaaredka, halkii la isticmaali lahaa Sanchez.

Mar uu wareysi siinayay Telegraph, xiddigii hore ee United, Van Persie ayaa ku qeexay weji xummada heysata Sanchez in uu qeyb ka ahaa falsafadda ku dhisan daafaca ee Mourinho.

“Labadii fasal ee lasoo dhaafay, wax badan ayaa is beddelay, waxaa jira aragtiyo badan oo ka imaanaya jamaahirta, baraha bulshada, isaguna si joogto ah ayaa wax looga sheegayey wax ku saabsan mushaarkiisa. Taasi waa wax xun, waxaa isaguna ku billawday xummaanta, laga yaabee in ay tahay wax adag.”

Van Persie oo sii hadlyey ayaa hadalkiisa intaasi raaciyey: “Isagu, waxa uu ku jira wakhti  adag maxaa yeelay waxa uu yimid koox ciyaareysa daafac taasina waxay aheyd dhibaatada ugu weyn.”

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan