Home / Macluumaad / Kursi Laga Bixiyay 26,000 Oo Doolar.

Kursi Laga Bixiyay 26,000 Oo Doolar.

Dalka Ingriiska qarashkii ugu badnaa ee ebad ayaa lagu iibiyay kursi jiif electronic ah oo dad badan aad u soo jiitay.

sawir-axmed

http://radiohimilo.so

Kursigan oo ay farsameysay shirkadda David Hugh Ltd ayaa lagu iibiyay 26.000 oo doolar Mareykanka , waana lacagtii ugu badneyd ee lagu iibiyo kursi taariikhda inta la xasuusto.

Sida shirkadda sameysay kursiga ay sheegtay kursigan ayaa u shaqeynaya si Automatik ah iyadoo uu leeyahay soo jiidasho dareen wadayaasha bini’aadamka ah.

Waxaa laga sameeyay kursigan Maadada Aluminumka iyadoo gacanta uu qofku ku xakameyn karo dhaqdhaqaaqa kursiga .

Dictoor David Wesket oo ah asaasaha shirkadda farsameysay kursiga laga bixiyay 26.000 oo doolar ayaa sheegay in waqti badan la galiyay kursiga uuna ku shaqeynayo tiknolojiyad aad u sareysa.

Wuxuu intaa ku daray David in kursiga uu qofku ku dhaq dhaqaajin karo gacantiisa iyo laf dhabartiisa si uu ugu jiheysto halka uu rabo.

Mar la weydiiyay su’aal ku saabsaneyd hadii uu kursiga u qalmo lacagta laga bixiyay oo ah 26.000 oo doolar , wuxuu ku jawaabay haa wuu u qalmaa kursiga waayo intaa in ku dhow ayaa la galiyay.

Ugu danbeyn dad badan oo dagan dalka Ingriiska oo ah halka lagu soo bandhigay kursigan ayaa aad ula yaabay kursigan iyo waliba cida 26.000 oo doolar ku iibsatay.

W/T:-Mahad Mohamed Ali.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan