Himilo – Intii lagu jiray Dagaalkii Koobaad ee Dunida, boqollaal iyo kumaankun carruur ah ayaa ka garab dagaallamayay xoogaggii waaweynaa ee isku hayay talada adduunweynaha.
Marka loo eego keydka dowladda Britain, in ku dhow 250,000 oo ah da’da ka yar 18-jirka ayaa loogu yeeray inay ka garab diriraan dowladdii Britain ee waagaas adduunka ka talin jirtay.
In kamid ah nolosha iyo geerida carruurtaas, taariikhda ayaa dib u sheegi karta mid kamid ah kuwaas aan magacyadooda heynin – Gavrić Momčilo. Isaga oo jira da’da 8 sano, Momčilo wuxuu kasoo diriray garabkii Serbian-ka ee dagaalka ku jiray.
Gabankan geesiga ah wuxuu bishii May 1, 1906 ku dhashay xaafad la yiraahdo Loznica oo ku taalla dalka Serbia. Waxaa la dhashay 7 kale oo ay isku hooyo ahaayeen. Ciidamadii Austrian-ka ayaa qabsaday xaafadooda taasi oo qasabtay inuu ku biiro dagaalka kahor inta aan la dilin dad uu waalidkiis kamid ahaayeen. Nasiib-wanaag, wuu ku samata-baxay xasuuqaas. Wuxuuna gabaadsaday buur dusheed.
Markii dib loo jebiyay xoogaggii Austrian-ka, Momcilo waxaa la guddoonsiiyay dharka ciidanka milatariga. Waxaana lagu abaal-guday dhowr billad sharafeed ah.
Dagaalladii uu qeybta ka ahaa waxaa kamid ah Kaymakchalan oo dhacay sannadkii 1916.
Intii uu dagaalku socday, waxaa soo gaaray dhaawacyo. Hayeeshe taasi kama horjoogsan inuu halganka sii wado. Dhammaadka dagaalkii koobaad kaddibna, wuxuu indhihiisa ku arkay dhalashada dalkii la odhan jiray Yuguslaavia.
Momčilo wuxuu usii noolaaday si nabad ah taniyo sannadkii 1993 markaas oo uu ku geeriyooday da’da 87 sano. Waddooyinka ayaa loogu magac-daray si loo sharfo. Waxaana sidoo kale loo taagay Taallo lagu xusuusto.
Ex vivo analysis using rat aortic rings treated with DCF at a concentration of 10 ОјM showed that sprouting area was inhibited 2 side effects of viagra Your doctor will order certain tests, including hearing tests, before and during treatment to check your body s response to plazomicin