Himilo FM – Inkastoo fuulidda buuraha aysan soo jiidan dad badan oo aragga la’ sababo la xiriira nuuca shaqadaasi haddana gabar u dhalatay dalka Masar ayaa ku dhiiranaysa inay ka gudubto arrintaasi oo ay la qabsato fuulidda buuraha oo ah ciyaar ay xiiseyso.
Josephen Saciid oo da’deedu tahay 28 jir ayaa dooneysa inay noqoto qof buuraha tafa islamarkaana fuula buurta Everest oo ah tan ugu dheer caalamka.
Waxay aaminsan tahay gabadhan in caqabada heysata aysan qiil u noqon karin inay ka tanaasusho himilooyinkeeda islamarkaana aysan ku imaan doorashadeeda.
Way ku dhalatay arag la’aanta, waxayna ahayd qof dadka ka dhax baxsan oo si gaar ah u nool iyadoo ka foggaan jirtay xiriirka dadka kale.
Ma aysan jecleysan jirin sida dadka u arkaan iyagoo ku tilmaamaya inay tahay qof baahi gaar ah qabta “ ma aysan ku imaan arrintan doonisteyda, waa arrin aan ku dhashay,” ayay tiri Josephen.
Josephen waa gabar ka baxday jaamacad laakiin ma aysan ku imaan guushan si sahlan. Waxay soo martay caqabado badan oo aan tiro laheyn.
Gabadha reer Masar waxay hadda ku hamminaysaa inay fuusho buurta ugu dheer caalamka laakiin waxaa heysta caqabada ah inaysan qaabileyn shirkadaha dalxiiska ee arrintaasi ka shaqeeya.
Sababta waxay ku sheegtay inay tahay qof aragga la’ islamarkaana fuulidda buuraha tahay shaqo ku culus dadka baahida gaarka ah qaba.
Josephen waxay tilmaamtay sida qof aragga la’ ugu adag tahay inuu ku noolaado bulsho la qabsatay faquuqa.
Si kasta, hanka Josephen waa inay fuusho buurta ugu dheer caalamka xaalad kasta oo ay ku qaadato.