Home / Habka-Nolosha / La kulan- Gabadha gacmaha la’ ee hoggaamisa da’yarta ciidamada Mareykanka

La kulan- Gabadha gacmaha la’ ee hoggaamisa da’yarta ciidamada Mareykanka

Himilo – 17-sanno jir asal ahaan Afrika kasoo jeeda kuna nool gobalka Florida laguna magacaabo Donavia Walker islamarkaana ku dhalatay xaaladda naadirka ah ee lagu magacaabo Bilateral Amelia ayaa sheeko guuleysatay ka sameysay ciidamada Mareynkanka.

Sida ay baahisay Truly, gabadhan oo naafa ka ah labada gacmood ayaa horjooge u ah koox dumar ah oo ku jira xerada Junior Reserve Officers’ Training Corps.

The Junior Reserve Officer waa xarun lagu tababaro ciidamada kala geddisan ee dowladda Mareykanka.

“Dadku way i daawadaan islamarkaana aad bay ii dhiira geliyaan. Waxaan naaneys ahaan u leeyahay Angel oo ay ii bixisay ayeeyo, sababtuna waxay tahay in aan laheyn gacmo, oo aan keliya leeyahay garbo,” ayay tiri Donavia.

Inantan 17 sanno jirka ah ayaa awood u leh kaxeynta gawaarida, socdaalka, sawir qurxinta, caddeynta ilkaheeda, qurxinta timaheeda islamarkaana awood u leh wax cunista iyo wax waliba oo ay xilligaasi u baahan tahay iyada oo uusan qofna caawineynin, xittaa waxay iyada oo adeegsaneysa lugteeda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan