Muna Iidow,waxaa ay qol ka mid ah Gurigeeda ka sameysatay goob ay ku sameyso aalabaha farshaxanka ee ay dadka aadka u jecelyihiin.
Alaabaha ay sameyso waxaa ka mid ah sharraxaadaha la saarto Kubiddiinada,Ubaxyada iyo galka Kutubada, sidoo kale waxaa ay sameysaa saakooyinka Haweenka.
Waxaa ay sheegtay in xirfaddan ay ka baratay Internetka iyada oo sidoo kale soo baratay sharciga iyo qaanuunka.
Waa hooyo heysata saddex Carruur ah oo Ganacsigeeda ku baahisa Baraha Bulshada sida Tiktok iyo Facebook halkaas oo ay macaamiil badan ka hesho.
Waxaa kale oo ay sheegtay in xirfaddan ay barto Haween kale gaar ahaan kuwa u imankara halka kuwo kale ay baraha bulshada kula wadaagto.
Halkan ka daawo.
https://www.facebook.com/RadioHimilo.so/videos/772757877829436