Home / Habka-Nolosha / La kulan: Gabadha xiriirka joogtada ah la leh masaska

La kulan: Gabadha xiriirka joogtada ah la leh masaska

Himilo – Dad badan majecla inay dhaayaha ku qabtaan mas nool, iskaba daa inay xanaaneystaane, hayeeshe, 14 jir lagu magacaabo Chalwa Ismah Kamal kuma jirto dadkaas.

Waxay jeceshahay inay dhaqato ama xanaaneyso masaska. Waxaana sababtaas awgeed ay caan ka noqotay gudaha dalkeeda Induniisiya iyo qeyb ahaan baraha bulshada sida barteeda Instagram-ka.

Xiriir maalinle ah ayaa dhex mara iyada iyo masas weyn – oo gaaraya lix kuwaas oo gurigooda jooga, waxaana ay siisaa cunno – iyada oo sidoo kale u meyreysa. Dad badan oo arkay muuqaalada laga soo duubay xiriirka nololeedka maalinlaha ah ee kala dhaxeeya masaska, waxay la yaab awgiis ula taagaan afka.

Waxay la qabsiga iyo xanaaneynta masaska la kowsatay iyada oo 14 jir ah. Waxaana sida muuqata uu xiriirkaasu hadda noqday mid aan kala go’i doonin. Mana dareento in yar oo cabsi ah marka ay ag joogto.

Laakiin ma ahan qofka kaliya oo qoyskeeda kamid ah kaas oo saaxiib fiican la ah masaska, xattaa walaalkeed ka yar ayaa la arkayaa isaga oo ku qoorta ku sita mas weyn – isaga oo xattaa aan dareemin in yar oo baqdin leh.

Bishii hore ayay bilaabeen inay barta Instagramka soo geliyaan muuqaallada masaska ay la joogaan, waxaana ay soo jiiteen indhaha kumaankun qofood.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan