Himilo-Soomaaliya waxa ay kamid tahay dalalka Afrika oo ay dhalinyaradu u badan yihiin. Sida ay muujisay sahan ay sameeyeen Wasaaradda Qorsheynta iyo Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Tirakoobka (2014), 75 boqolkiiba dadka Soomaaliyeed waxa ay da’doodu ka yar tahay 30 sano. In ka badan kala bar dadka (qiyaastii 6.3 malyan ama 52.4 boqolkiiba) ayaa ku jira da’da shaqada (oo ah da’da u dhexeysa 15-64 sano oo ah da’da dadka shaqeyn kara ama doonaya in ay shaqeeyaan).
Dadka ugu badan (43.7 boqolkiiba) waxa ay ku nool yihiin magaalooyinka sida ay muujineyso tirakoob ay saneyse (United Nations Population Fund, 2016). Si lamid ah inta badan dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, fursado shaqo oo aanan jirin ayaa ah mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ka jira Soomaaliya. Inta badan dadka ay saameyso shaqo la’aanta waa dhalinyaro.
Soomaaliya waxaa sanad kasta kasoo baxa Jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadda da’yar badan oo aqoonyahan ah, kuwaas oo markii ay kasoo baxaan waxbarashada ay soo waajahdo shaqo la’aan daran.
Dadka ka faallooda arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya waxay u arkaan in arrintaan ay sabab u tahay shaqo la’aanta waddanka oo kasoo kabanaya colaado iyo dowladda oo aan haysan dhaqaale shaqooyin badan lagu abuuro.
Laakiin dhalinyarada kasoo baxay jaamacada qeybo kamid ah ismey dhigan oo guntiga ayay giijisteen iyagoo ku dadaalayo sidii ay uga run sheegi lahaayeen waxbarashadii ay waqtiga ku bixiyeen ama sidii ay maskaxdooda u shiili lahaan.
Dhalinta ka gudubtay culeyska shaqo la’aanta dalka ka jirta oo sameystay mashruuc ganacsi waxaa kamid ah Hibo Cabdiqadir Yusuf.
Waa hooyo korisa caruur sidoo kale waa ganacsade qaab online ah ku iibisa uunsi iyo waxyaabo kale oo uduga loogu tallo galay. Dhowr isku day oo ka fashilmay kadib ugu dambey waxaa u hirgalay fakarka ay ku sameyneyso uunsiga.
‘Maalintii waxaan sameynaa labo illaa sadax kiilo’ sidaa waxaa tiri maamo Hiba dadka waxa ka iibsado kaliya majoogaan Muqdisho oo waxa ay Uunsiga u dhiibtaa gobolada dalka maadaama dadka soo dalbanaya ay kala socdaan barta ay Tiktok ku leedahay.
dhowr dhalinyaro ah oo isugu jirta gabdho iyo wiilal ayaa u shaqeeya oo shaqo abuur uu u noqday mashruuca maamo Hibo waxayna sheegtay inay talooyin siiso dhalinta wili waxbarashad ku jira.
Sahminta suuqa waa mid kalid ah waxyaabaha suuragaliya in uu guuleysto ganacsigu ‘Maadaama aan bartay maamulka ganacsiga waxaan dareemi karaa baahida suuqa kajirta’ sidaa waxaa tiri Hibo oo ku dartay ‘ qofka marka uu ganacsiga barto waxa uu waxka arkaa meel dadka kale aysan wax ka arki karin’.
Goobta ay ku ganacsato Hibo Cabdiqadir Yusuf waxaa booqatay Xaawo Nuur oo katirsan Himilo radio sheekadan ayayna ka diyaarisay.
Halkan ka daawo
https://www.facebook.com/RadioHimilo.so/videos/847573446815229