Muqdisho – Waxay alkumeen midnimo aan caadi ahayn – gaar ahaan iyaga oo ku bahoobay arrin u baahan xoog badan sida geed beerista.
Nin indhoole ah iyo gacmo laawe ayaa naafanimadooda kaga guuleystay adeegsiga indhaha iyo gacmaha midka kale.
Jia Haixa iyo Jia Wenqi waxay jaallenimada insaaniga ah ee muddada 10 sano ah ka dhaxaysa bilaabatay markii labaduba ay ogaadeen inaysan heli karin cid shaqaaleysiisa – naafada ay yihiin awgeed.
Wadajir waxay ugu howl-galeen habkooda gaarka ah kaas oo u sahlay inay daan webi ka dhigaan goob-dhireed, marka loo eego People’s Daily online.
“Waxaan ahay gacantiisa,” ayuu yiri indhoole Mr Haixia. “Isaguna waa indhahayga. Waxaana aynu nahay lamaane isku fiican.”
55-jirkan wuxuu ku dhashay xanuun indhaha kaas oo isha bidix ka naafeeyey. Kadibna sanadkii 2000, shil uu ku galay shaqadiisa, wuxuu hadana ka naafoobay isha bidix.
Mr. Wenqi, oo sidoo kale 55 jir ah, wuxuu waayay labadiisa gacmood markii uu saddex sano jir ahaa.
Sanadkii 2001, helid la’aanta meel kale oo ay ka shaqeystaan, samata-bixiyaasha deegaanka waxay heshiis dowladda kula galeen dhul ballaaran oo daanta webiga dhaca inay jiilka soo socda ugu beeraan geedo ay ku nastaan.
Waxay sidoo kale ku hanweynaayeen inay lacag kaga helaan dowladda mashruucaas lagu noolaynayo; laguna ilaalinayo in xaafaduhu aysan ku fatahin biyaha webiga xilliyada ay dhacaan daadadka culus.
Maalin kasta labada naf-hurayaal waxay ka jarmaadaan guryahooda 7 am – iyaga oo ku qalabaysan yaanbo iyo xarig iron ah.
Kahor inta aysan guda-gelin shaqada, Mr Wenqi waa in saaxiibkiisa aragga la’ uu dushiisa kaga gudbiyo qulqul biyoodka webiga.
Mafududa shaqadooda. Waxaana intaas u dheer, la’aanta abuurkii ay ku beeri lahaayeen dhulka, sidaas darteed, waxay jeebkooda ka bixiyaan baahiyaha yaryarka ah.
Adeegsiga indhihiisa, waxaa hoggaamiya saaxiibka gacmaha la’. Wuxuu qodaa dhulka, ku ridaa abuurka kadibna duugaa.
Waase Mr Wenqi midka ay shaqadiisa tahay waraabinta iyo rushaynta abuurka. Wuxuuna ku qabtaa lugihiisa.
Ma ahayn howl-gal aad u degdeg badan, hayeeshe hadda saddexdii hectare, waxaa ku cammiran geedo badan kuwaas oo soo jiita indhaha shinbiro kala jaadad ah.
Wadarta geedaha ay wadajirka ku abuureen muddo 10 sano ah waxay ka badan tahay 10,000. Mana jiro qoshe dhow iyo mid fog oo ay ku doonayaan joojinta mashruuca.
“In kasta oo aan in badan ku guuleysanin dhowr sano, hadana waan garwaaqsannahay dadaalkeenna,” ayuu yiri Mr Haixia.
Mr Wenqi ayaa kusii daray: “Waxaan isku taagnay cagaheenna. Miraha dhididkeennu wuxuu u dhadhamayaa macaan. In kasta oo aan ku jirno halgan adag, waxaan nabad ka dareemaynaa qalbiyada.”
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com