Home / Arrimaha Bulshada / La kulan – Maalqabeenka maalgeliya aroos wadareedyada

La kulan – Maalqabeenka maalgeliya aroos wadareedyada


Himilo FM – Sannadkii 9aad oo xiriir ah ayuu ganacsadaha reer Cumaan damaanad qaaday arooska 160 qofood oo la isugu guurinayo waqooyiga dalkaasi.

Waxaa ammaanay arrintan dadweyne badan oo sheegay inay culeyska ka dhimeyso dhallinyarada islamarkaana fududeynayso wanaagga bulshadda dhexdeeda ah.

Ganacsadaha oo la yiraahdo Cabdi Caziiz Al-baluushii ayaa doonaya inuu bulshadiisa ku baraarujiyo jaceylka, nabadda iyo wada noolaanshaha iyadoo dadka arooska loo dhigayo laga soo xulayo dhammaan qeybaha bulshadda dalkaasi oo ay ku jirto shiicada.

Aroos wadareedka ayaa laga leeyahay ujeed ah in culeyska looga dhimo dadka doonaya guurka islamarkaana dhallinyarada la siiyo fursad ay ku bilaabi karaan nolol cusub iyaga oo aan deymo qaadan.

Kharashka aroosyada dalkaasi ku baxaya waxaa lagu qiyaasay 5200 doolar illaa 78 kun oo doolar. Meherka keliya ayaa lagu sheegay celcelis dhan 13 kun oo doolar deegaanada qaar.

Al-baluushii ayaa hadiyad siiyay mid kamid ah dadka lo guuriyay aroos wadareedkii ugu danbeeyay ee uu maalgeliyo maalqabeenka reer Cumaan. Waxa uu sheegay in uu u sameynayo arrintan in dadku fahmaan wada noolaanshaha bulshadda.

Muddo 9 sanno ah ayuu ninkan maalgelinayaa aroos wadareedyo ka dhacay gudaha dalkiisa Cumaan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan