Himilo – Nin u dhashay dalka Ruushka ayaa 9-kii sano ee u dambeeyay feeraha hoostiisa ka dareemayay xanuun balse waxa ay la noqotay la yaab markii uu ogaaday in beerka uu ku jiro jab dhalo ah oo dhererkeedu tahay 9 cm.
Ninkan oo 53 jir ah oo aan magaciisa la shaacin ayaa u sheegay dhakhaatiirta cisbitaalka Kirov Regional Clinical Hospital, ee dalka Ruushka, in uu muddo dheer ka dareemayay xanuun dhinaca midig ee jidhkiisa,gaar ahaan feeraha hoostiisa, laakiin aanu waligii isku dayin in la hubiyo.
Ka dib markii uu ugu dambeyntii go’aansaday inuu u raadsado caawimo caafimaad dhibaatadiisa, waxaa lagu sameeyay CT-scan kaas oo muujiyay shay fiiqan oo ku dheggan labka midig ee beerkiisa. Markii ay dhakhaatiirtu waydiiyeen waxa uu noqon karo shayga, bukaanku waxa uu u sheegay in aanu wax fikrad ah ka haysan, maadaama aanu hore u lahayn wax dhaawac ah, sidoo kalena aanu xasuusan karin dhacdo uu shay af leh jidhkiisa ku galay.
Ka dib markii ninkan lagu sameeyay qaliinka laparoscopic ah, dhakhaatiirta qalliinka ayaa beerka ka soo saaray jeex dhalo ah oo dhererkiisu yahay 9 cm.
“Waxaan la yaabnay markii aan aragnay gabal quraarad ah oo cabbirkiisu yahay 88x15x7mm oo leh geeso fiiqan,” mid ka mid ah dhakhaatiirta qaliinka ayaa sidaa yiri. “Intii lagu jiray qalliinka, waxaa la ogaaday in shayga uu ku daboolmay unug.
Sida muuqata, odaygan 53 jirka ah waxa uu aad ugu nasiib badnaa in uu la noolaado dhaladan beerka ku duugnayd in ka badan 9 sano, sababtoo ah waxa ay si fudud u keeni kartay caabuq iyo barar, taas oo u baahnaan lahayd qaliin degdeg ah.
Sawirro laga qaaday jabkan muraayadda ah ayaa aad ugu baahay baraha bulshada ee Ruushka, taas oo keentay in dadku ay la yaabaan sida uu ninku u la noolaa ku dhawaad toban sano.
Home / Arrimaha Bulshada / la kulan Nin-ka 9-ka sano la noolaa jeex dhalo ah oo beerka kaga jirtayy!