Home / Habka-Nolosha / La kulan: Ninka qaab-socodka Daanyeerka caadeystay 30-kii sanno ee lasoo dhaafay

La kulan: Ninka qaab-socodka Daanyeerka caadeystay 30-kii sanno ee lasoo dhaafay

Himilo – 50 jir u dhashay Shiinaha wuxuu 30-kii sano ee lasoo dhaafay u afar-dhigan jiray sida Daanyeerka isaga oo xittaa geedaha sidiisa oo kale u koraya.

Chen Haigang waa nin jecel jimicsiga oo ku nool Shanxi, wuxuu soo jiitaa dareenka dadweynaha marwalba oo ay arkaan isaga oo sida Daanyeerka u soconaya. Mana ahan hadda oo kaliya. Wuxuu sidan oo kale u socon jiray muddo 30 sannadood ah.

Chen Haigang wuxuu u dhaqmaa sida Daanyeerka wuxuu dhigtaa afarta addin waliba wuxuu si sax ah u keenaa qaab socodkiisa. Waxaa intaas dheer, wuxuu si fudud ugu boodaa geedaha dhaadheer.

In kasta oo xerada xayawaanka daanyeerta joogta uu kaga dayday hab-socodka iyo bootinta, haddana wuxuu sheegay inuu ku dayashadaas ka helay caafimaad iyo firfircooni.

“Markii aan 20 jirsaday ayaa bilaabay inaan sida Daanyeerka u socdo,” ayuu yiri. “Waxaan aalaaba daawan jiray qaab socodkooda, markii danbe ayaan go’aansaday inaan iska dhigdhigo sidooda oo kale.”

“Waagii hore, markii aan miyiga joogay waxaa igu dhici jiray xanuunada yaryarka ah sida hargabka, madaxa xanuunka iyo wixii la halmaala. Balse markii aan imid magaalada oo aan bilaabay inaan sida daanyeerka u socdo, waxaan dareemay caafimaad.”

“Waxaan dhihi karaa – marnaba uma baahan inaan dhaqtar aado taniyo markaas,” ayuu yiri 50-jirkan.

In kasta oo markiisii hore uu daneyn jiray socodka daanyeerka inuu keeno, haddana wuxuu goor danbe la qabsaday inuu ku boodi karo geedaha isaga oo laanba laanteeda kale ku dhagaya.

Dhawaan ayuu sidoo kale bilaabay inuu keeno dhaqdhaqaaqa xayawaannada boga-ku-socda sida yaxaaska.

Wuxuu sheegay in dadku ay xiiseynayaan inay wax badan ka ogaadaan sida uu u keenay socodka Daanyeerka, laakiin, wuxuu qiray inaanay sidiisa oo kale ugu dhiirran karin inay dadweynaha dhexdooda ku muujiyaan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan