Home / Arrimaha Bulshada / La kulan ninka sanka wax ku qora.

La kulan ninka sanka wax ku qora.

Himilo – Ninkan oo ka soo jeeda dalka India wuxuu awoodaa inuu il-biriqsiyo gudahood ku qoro jumlado isaga oo adeegsanaya sankiisa.

Vinod Kumar oo 44 jir ah wuxuu diiwaanka Guinness World Record ku galay inuu sankiisa wax ka yar 26 sikin uu ku dhameeyay alif beetada afka Ingiriiska isaga oo wax ku qoraya keliya sankiisa.

Waa qofka ugu waqtiga yar marka la eego dadka horay u sameeyay. Wuxuu shahaado ku mutay degdegga uu ku dhamaystiray qoraalka.

Mr Kumar ayaa 25.66 il-biriqsi ku dhameeye 26 xarfaha alif beetada  ee Roman-ka isaga oo ka tagin space-ka u dhaxeeya.

Sidoo kale wuxuu rikoor ku haystaa inuu hal gacan isaga oo adeegsayada alif beetada ku dhameeyay wax kayar lix il-biriqsi.

Waxa u sahlay guulahan wuxuu ku sheegay inay shaqo u tahay xirfadan uuna jecel yahay oo yaraantiisii uu la soo barbaaray.

 

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan