Home / Macluumaad / La kulan ninka xanaaneeya 735 Eey

La kulan ninka xanaaneeya 735 Eey

Bangalore (Radiohimilo) – Marka gaarigu ku joogsado halkan – gegida bannaan ee beer lagu xanaaneeyo – oo u dhow caasimadda gobalka Karnataka, durba waxaa kugu soo horora eeyo qeylo iyo ci’ isku daraya: farxadna la bururaya.

Ilbiriqsi kadibna, waxaad arkaysaa iyaga oo qaarkood dusha kawada saaran Rakesh Shukla – isaguna wuxuu ku dareemaa falkooda farxad qalbi ah. Wuu la hadlaa: u xogxogaa: una masaxaa oogada.

Wuxuu ku sugan yahay beertiisa dhan 3.5 jibbaal oo ay ku jiraan tiro Eeyo ah. Tirada ugu danbeysa, mr. Shukla wuxuu halkan ku xanaaneeyaa ku dhawaad 735 Eey.

Badi Eeyaha halkan jooga waa baadi: qaarkoodna waxaa soo irdheeyey dadkii lahaa. Raacdadii ugu danbeysay waa tiro gaaraysa 22 Eey oo beylah noqday kadib kolkii ninkii lahaa oo ganacsade ahaa ay dileen burcad hubeysan.

“Waxaan ahay barta ugu danbeysa ee ay kusoo hirteen Eeyahan; ma indha fiicana; qaarkood waa jiran yihiin: qaarna waa kuwo aan loo baahneyn,” ayuu yiri mr. Shukla, oo 45-jir ah.

Ka eegista ramashadiisa iyo daryeelkiisa xad dhaafka ah ee uu u hayo Eeyaha, mr. Shukla waxaa loo yaqaan Aabaha Eeyaha: wuxuuna ugu yeeraa ilmahayga.

Mr. Shukla kaas oo ay xaaskiisu la aas-aastay shirkad software ah 10 sanadood kahor, wuxuu afar ama saddax maalin toddobaadkiiba ku bixiyaa la jooggooda: isaga oo daryeelkooda u go’a.

“Waxaan ka shaqeeyey Delhi iyo xittaa dalka Maraykanka, waxaana aad shirkadayda gaarka ah ka sameystay gudaha Bangalore,” ayuu yiri Shukla. “Farxad kasta oo laga raadiyo yeelashada baabuur qurux badan, ama xirashada saacado qaali ah waan isku dayay: hadana kama helin liibaan farxadeed.”

Kadib wuxuu ugu horreyn la kulmay Golden Retriever oo ah Ey 45 cisho jir ahaa wuuna jecleystay. Waxay ahayd bishii June, 2009 mr. Shuklana wuxuu si fiican u xusuustaa maalintii koobaad ee uu gurigiisa keenay.

“Markaan guriga nimid, way iska kay qarinaysay. Waan raadinayay aniga oo magaceeda ugu yeeraya. Way i fiirinaysay. Waxayna ahayd mid cabsoon. Hayeeshe waxaan dareensanaa inay u baahan tahay inay i aaminto,” ayuu yiri mr. Shukla.

Eygii labaad ayuu mr. Shukla la kulmay saddax bil kadib markii uu arkay isaga oo dariiqyada ku dib-jiran. “Waxaan ku da’ayay roob muddo 12-15 cisho ah: aad bayna u il-darneyd. Waxaana keenay gurigayga,” ayuu yiri.

Maalmihii iyo toddobaadyadii xgay kadibna, Ey kasta oo uu arko isaga oo dhiban ama baadi ah, wuxuu keeni jiray gurigiisa. Markii koobaad xaaskiisa ayay isku maan-dhaafeen arrintan. Hayeeshe wuxuu go’aansaday inuu qaarkood u qaado xafiiskiisa.

Sanadkii 2012, markii uu arkay inay isasoo tarayaan tiradooda, wuxuu go’aansaday inuu xarun gaar ah oo daryeelkooda lagu ilaaliyo u sameeyo – taas oo hoy u noqotay Eeyo badan oo dhibanayaal ah.

Goobtan xanaanada Eeyaha ee mr. Shukla waxaa ka shaqeeya toban qofood oo ay ku jiraan kalkaaliyaal caafimaadka xoolaha ku gaaroobay: kuwaas oo cuntada u kariya: quudiyana. Waxaa lasiiyaa 200kg oo digaag ah iyo 200kg oo bariis ah maalintiiba. Halka badi kuwo aadka u jiran ay u baahan yihiin daryeel joogto ah iyo baxnaano.

Qarashka ku baxa maalintii ayaa u dhaxeeya 45,ooo ilaa 50,000 oo Rupees una dhiganta (650% ilaa 750$), marka loo eego mr. Shukla kaas oo xusay in 93% lacagtani ay ka baxdo qoondadiisa.

Sanadkii hore, in kasta oo kooxaha gargaarka xoolaha ay ku dhaliileen isku gaar-yeeliddiisa xanaanadooda, hadana wuxuu la kulmay dhaleeceyn kale oo kaga timid dadka deegaanka oo ku saabsan inuu xasiloonidooda harsi u diiday. Waxaana jiray baaqyo badan oo lagu weydiinayay inuu albaabada u laabo.

Balse wuu ku gacan-seyray.

“Waxaan nolosha kula ballamay Eeyahayga. Waxaana aan kala go’i karnaa marka midkeen uu daaqada ka dhaco.”

Isha: Radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed ‘Hiraal.’

Hoos usoco si aad u daawato sawirrada.

1 2 3 4

5 6

7 8

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan