Home / Arrimaha Bulshada / La kulan – qofka ugu da’da weyn caalamka

La kulan – qofka ugu da’da weyn caalamka

Himilo FM –Xaflad sharafeed weyn ayaa loo dhigay kaddib markay noqotay qofka ugu da’da weyn caalamka iyadoo da’deedu tahay 116 jir.

Hay’adda Guinness World Records ee diiwaan gelisa rikoorada caalamiga ah ayaa si rasmi ah ugu aqoonsatay Kane Tanaka qofka ugu da’da weyn dunida.

Waxaa ka soo qeybgalay xafladda dhammaan xubnaha qoyskeeda iyo duqa magaalada Fukuoka.

Ms Kane ayaa dhalatay  2-dii bishii Janaayo ee sannadkii 1903-dii. Waxay ahayd qofka toddobaad ee qoyskooda iyadoo guursatay Hideo Tanaka sannadkii 1922-kii.

Wakaalada wararka ee AP ayaa tilmaamtay in Kane jeceshahay barashada xisaabta laakiin waxaa laga doonayaa inay jabiso rikoor u yaalla haweenay Faransiis ahayd oo nooleyd muddo 122 sanno ah sida laga soo xigtay Guinness World Records.  

Dadka reer Jabaan ayaa hoggaanka u haya dadka gaara da’da fog ee caalamka oo dhan lamana ogga sababta arrintaasi.

About Mahad Mohamed

One comment

  1. tadalafil cialis from india Also, it cannot be excluded that genetically identified EMs may in fact be CYP2D6 PMs because of the use of CYP2D6 inhibition resulting from comedication, which in most studies was insufficiently assessed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan