Home / Habka-Nolosha / La kulan – Samafalaha bixiya deymaha lagu leeyahay ardayda saboolka ah!

La kulan – Samafalaha bixiya deymaha lagu leeyahay ardayda saboolka ah!

Himilo- Nin ku nool gobalka Florida ayaa go’aansaday inuu sameeyo is-beddel – isaga oo bixinaya dhammaanba deymaha hariimada ‘qadada’ ardayda ay ku cunaan dugsiyada dadweynaha.

Waxay ku bilaabatay ugu horreynba qoraal lasoo dhigay barta facebook.

Qoraalka ayaa lagu ogeysiinayay samafalayaasha inay jirto lacag dhan 1,000$ ku dhawaad oo loo amaahday qadada ardaydu ku cunaan fasallada siiba kuwa aan iska bixin karin qarashka.

Maba qaadan waqti badan inta warkani uu ka baaho.

Toddobaad kaddib, farriintaas waxaa kasoo jawaabay Andrew Levy oo ah ganacsadde.

Levy ayaa go’aansaday inuu wax ka qabto liiska ay ku qoran yihiin lacagaha amaahda ah. Wuxuuna wada bixiyay adduunka lagu leeyahay ku dhawaad 400 oo carruur ah oo dhigata iskuullada dadweynaha.

Wuxuu ogaaday in haddii carruurta lagu yeesho amaah aysan awoodi karin cunno – oo ay calool maran ay wax ku baran doonaan.

“Waa arrin lala shaamareero. Cunnada ma ahan wax sidaas usii weyn oo carruurtu ay ka fikraan. Waa lama huraan inaysan gaajo wax ku baran carruurteennu,” ayuu u sheegay CNN-ka.

Balse kuma qanacsana intaas oo kaliya ku ekaado.

Wuxuu sheegay inuu bogga taakulada ee GoFund ama mid hor leh u abuuri doono si mushkiladdan loola tacaalo. Sidaas darteed carruurtu in badan kama sii walwali doonaan wax ay cunaan.

Tallaabadiisa naxariista ah waxay ileys naxariis u shiday in kale oo hadda garab istaagay mashruuciisa samafalka ah.

Ku dhawaad 200 oo qof ayaa ku yaboohay deeq kasta oo ay heli karaan.

Qorshuhu wuxuu yahay in dhammaanba deymaha lagu leeyahay ardayda saboolka ah ee dhigta dugsiyada dadweynaha Florida oo lagu hilaadiyay $50,000 laga bixiyo goor aan fogeyn

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan