Home / Arrimaha Bulshada / La kulan – Tima jaraha 6 jirka ah ee u xiira haweenka!

La kulan – Tima jaraha 6 jirka ah ee u xiira haweenka!

Himilo FM – Muuqaal lagu baahiyay shabakadaha Internet-ka ayaa muujiyay tima jaraha ugu da’da yar caalamka oo dhan isaga oo timaha ka jaraya haween.

Wargeyska Daily Mail ayaa qoray in waalidiinta wiilka yar ee 6 jirka ah inay bareen xirfadda isaga oo 4 jir ah, waxaana taasi ugu wacan waalidka oo ku lahaa magaalada Sonjing ee dalka Shiinaha goob lagu qurxiyo haweeenka loogana jaro timaha.

Wiilka yar ayaa markii hore ku tababartay goobta illaa markii danbe uu keligii awooday inuu timaha ka jaro macaamiisha haweenka ah ee loo adeegayo.

Labada waalid ayaa muuqaal ka sooo duubay wiilka oo la yiraahdo Jiang isaga oo timaha ka jaraya haween, waxayna dhigeen shabakadda Kuaishou.

Dad badan oo Shiinaha u dhashay ayaa durba la dhacay shaqada wiilka yar iyaga oo boggaadiyay, waxaana bogga uu kula xiriiro bulshada ku xermay inka badan 1.5 Milyan oo qofood.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan