Home / Habka-Nolosha / La kulan – Tima-jaraha darbi-jiifta lacag la’aan ku qurxiya!

La kulan – Tima-jaraha darbi-jiifta lacag la’aan ku qurxiya!

Himilo – Mark Buston oo ah ra’iisle reer New York, wuxuu leeyahay qalbi dahab ah. Wuxuu maalintiisa Axadda – oo ah tan kaliya uu fasaxa ka yahay howsha – uu si lacag la’aan timaha ugu jaraa dadka dib-jirta ‘darbi-jiifta.’ Sheekadiisa naxariista leh waxay ku baahday baraha bulshada sida Instagram oo uu soo dhigo sawirrada wax-qabadka maalintaas.

Axad kasta, Mark wuxuu ku baxaa magaalada isaga oo niyoonaya helidda qof u baahan in timaha laga jaro ama laga xiiro. Kolka uu isha ku dhufto qof kamid ah kuwii uu usoo baxay kaalmayntooda, wuxuu kula soo dhawaadaa hadal dabacsan; “Waxaan rabaa inaan wax fiican kuu qabto maanta.”

Wuxuuna intaas kadib guda-galaa howshiisa samafalka – qurxinta kuwa la diifaysan tabaalaha kala duwan ee nolosha. Mark, oo 33 jir ah, wuxuu falkan kusoo jiray taniyo sannadkii 20120-ka, taas oo ah markii uu u kacay Filibin si uu ula kulmo qoyskiisa.

Intuu safarka ku jiray, wuxuu kursi ka kiraystay tima-jare ku ag-yaal si uu timaha ugu qurxiyo carruurta dhibban ee deriska la ah.

“Dareenkaas wuxuu ahaa mid laga abaal-guday,” ayuu yiri. “Waxaan go’aansaday inaan falkan toggan kusoo kordhiyo magaaladayda New York.”

Mark wuxuu sidoo kale u safray Jamaica, Costa Rica iyo Los Angeles si uu timaha ugu jaro kuwa aan iska bixin karin qarashkeeda.

Mark mararka qaar waxaa socdaalka ku wehliya saaxiibtiis. Waxay macmiishiisa weydiisaa cuntada ay jecel yihiin inay cunaan.

Mashruuciisu waa mid xaqiiqdii qiiro leh, hayeeshe ma ahan qofkii ugu horreeyey ee sidaan sameeya. 25-kii sanno ee lasoo dhaafay Joe the Barber oo ah tima-jare howl-gabay, wuxuu darbi-jiifta si lacag la’aan ugu jaraa timaha si ay hab u siiyaan!!

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan