Home / Arrimaha Bulshada / La kulan – Wadaadka Afadiisa shaqada guriga kala dhinac shaqeeya!

La kulan – Wadaadka Afadiisa shaqada guriga kala dhinac shaqeeya!

Himilo- Badi dadka miyiga ku nool, waa dhif inaad aragto nin jikada ku jira oo cunto karinaya ama afadiisa ka caawinaya howlaha guriga.

Tani waxa loo celinayaa aragtida ah in haweenka iyo ragu kala madax-bannaan yihiin dhanka shaqada oo aysan wada shaqeyn karin. Laakiin waqtigu wuu is beddelayaa hadda.

64 jirka la yiraahdo Mba Osman Bawa wuxuu ku jiraa halgan uu aragtidaas ku beddalayo. Wuxuuna xaaskiisa ka caawiyaa shaqada guriga.

Osman oo ah imam ayaa waqtiga uu gurigiisa la joogo afadiisa wuxuu kala dhinac shaqeeyaa howlaha muhiimka ah, sida inuu jikada u galo.

Marka loo eego ActionAid Ghana, Osman ayaa – kaddib 20 sanno uu sidan kula dhaqmayo xaaskiisa – wuxuu hadda doonaya in si ficil ah ragu u dareemaan howlaha adag ee haweenku ka qabtaan guryaha.

Wuxuu mararka qaar isku xilqaamaa inuu shaqada la qeybsado afadiisa mararka ay ku badan yihiin howlaha horyaalla.

Kasokow cunto karinta, Bawa wuxuu sheegay inuu sidoo kale afadiisa ka caawiyo inuu biyaha uga soo dhaamiyo ceelasha; usoo guro qoryaha iyo wixii la halmaala.

Wuxuu sheegay inuu aad ugu farxo markuu arko afadiisa oo ka nasanaysa shaqada daalka badan marka uu booskeeda ku jiro.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan