Pretoria (Radiohimilo) – Laacib da’yar oo u dhashay dalka Koofur Afrika ayaa xilli uu ciyaaray ciyaar kamid ah ciyaaraha gudaha ah ee dalkaas wuxuu dhaliyay goolkii koobaad – taas oo sababtay inay farxaddu ka tan badato.
Wuu jilba dhigtay isaga oo ciyaar dhaqameed caan ka ah dalkaas oo lagu magacaabo Worm Dance ku muujinaya goolkiisa uu dhaliyay.
Si kastaba, dabaal-deggiisu siima dheeraan kadib markii uu si laga naxo ugu hor dhacay taageerayaashiisa.
Waxaa lagula cararay gaadiidka gurmadka deg-degga ah si loola gaaro isbitaalka. Balse wuxuu ku dhintay isbitaal goboleedka Bukoba. Waxaana la aaminsan yahay inuu wadne istaag u dhintay.
Madaxa ururka kubadda cagta ee dalkaas ayaa bartiisa ku qoray: “Waxaan ka qoomameynayaa inaan ku dhawaaqo geerida lama filaanka ah ee Isma’il Mrisho; wuxuu ka tirsanaa ciyaartoyda U20 ee ka dheela dalka Koofur Afrika; Ilaahay ha u naxariisto.”
Mrisho ma ahan ciyaaryahankii ugu horreeyey ee dhinta xilli uu ku jiro u dabaal-degista guusha kooxdiisa. Waxaa jira dhacdooyin dhowr ah oo ku dhamaaday geeri lama filaan ah oo ku timaada ciyaaryahannada. Badi shilalkooda waxaa lala xiriiriyaa garaaca wadnaha oo istaaga.