Home / Habka-Nolosha / Laacib Muslima ah oo kooxdiisa kaga tagaya astaanteeda Macatabka

Laacib Muslima ah oo kooxdiisa kaga tagaya astaanteeda Macatabka

Muqdisho – Ku biirista kooxda Macedonian-ka laba toddobaad kahor, laacibka Muslimka u dhashay dalka Albania, Florent Osmani ayaa go’aansaday inuu isaga tago Skopje – isaga oo yiri lama istaagi karo astaanta macatabka.

“Astaanta kooxda ayaa leh macatab oo aan mar walba isku dayay inaad qariyo, waxaana taasi u sameynayay sababo caqiido,” ayuu Osmani u sheegay World Bulletin.

“Sidaas la ajligeed ayuu qof walba si gaar ah ii dhuganayaa, waxayna ugu danbeyntii bilaabeen inay iska kay lumiyaan – xaqiiqda ah inaan ku imid si xooggan.”

Dadaallo lagu doonayay in la iskugu keeno isaga iyo jaallayaashiisa ayaa ku dhamaaday fashil. Gabagabeynta heshiiska uu kula jiro Skopje, waxay kooxdu ku tahay dhabar-jab adag oo ku qasbaya inay halhaleel ku raadsato laacib kale.

“Guddi ayaa ii sheegay in waxa aan falayo aysan habboonayn haddii aan doonayo inaan sii joogo naadigana waa inaan qarin macatabka astaanta u ah kooxda,” ayuu yiri.

“Waxaan ahay Muslim – diintayduna iima oggola inaan sidaas aqbalo. Waxaan mar kasta qarin jiray macatabka oo kaliya ma ahan astaan oo dhan. Hayeeshe maadaama ay iga diideen inaan sidaas sameeyo, waxaan go’aansaday inaan isaga tago kooxda, waayo diintaydu waa midda iigu kheyrka badan nolosha.”

Osmani ayaa yimid kooxda Skopje markii kasoo dhaqaaqay kooxda Kosovo ee Liria, isaga oo kol hore usoo ciyaaray Shkupi, Gostivar iyo kuwa kale.

Sanadkii 2014, kooxda Real Madrid ayaa kadib heshiis ay la gashay bangiga National Bank Abu Dhabi waxay funaanad ka saartay astaanta macatabka.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan