Home / Habka-Nolosha / Laacibka Manchester United Ee Henrikh Mkhitrayan Oo Magacaabay Laacibka Uu Yaraantiisii Ku Dayan Jiray.

Laacibka Manchester United Ee Henrikh Mkhitrayan Oo Magacaabay Laacibka Uu Yaraantiisii Ku Dayan Jiray.

Xidiga dhawaan galka ah ee Man United ayaa sheegay  in uu yaraantiisii tageero u ahaa laacibkii hore ee Arsenal  Thierry Henry kaas oo uu ku sheegay laacib ku daysho mudan.

Mkhitrayan ayaana sanadkaan kooxda reer England uga soo biiray horyaalka jarmalka isaga oo ka yimid kooxda BVB waxa uuna bilawgii sanadkan muujiyay la qabsi la’aan garoonka ah iyo dhaawacyo, laakiin  Mkhitrayan ayaa kulamadii dambe muujiyay tayada uu leeyahay waxa  uuna si dhaqso ah ku helay kalsoonida tababaraha kooxda  Man United  ee Jose Mourinho.

Mkhitaryan ayaa caddeeyay sida uu tageero weyn ugu yahay halyeeygii reer France ee Thierry Henry isagoo shaaca ka qaaday inuu weerarka ka ciyaari jiray waqtigiisii yaraanta si uu ugu daydo laacibka arsenal.

‘Waligey waan taageeri jiray Henry markii uu u ciyaari jiray Arsenal,  waa mid kamid ah ciyaartoyda aan dooran lahaa sababtoo ah waqtigii caruurnimada waxaan ciyaari jiray weerar, balse markii dambe waxaan noqday xidig khadka dhexe ah”

“Mar walba waa ii farxad inaan ciyaaro, waana riyo ii rumowday inaan u ciyaaro Manchester United, mar walba waan ku faraxsanahay sida aan ku bilowday ciyaaraheyga kooxdaan, waxaan mar walba isku dayaa inaan wax fiican sameeyo”

“Kubadda cagta England way ka duwan yahay wadamada kale. sidaas darteed haddii aad ka ciyaareyso Germany, France, England ama Spain waxaad ku qasban tahay inaad ciyaarto horyaalkaas”

“Bilowgii dhib yar ayaan kala kulmay, balse hadda waxaan ku dadaalayaa inaan sameeyo wax walba oo suuragalin kara inaan noqdo xidig Premier League ah”.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan