Laacibka West Ham Javier Hernandez oo helay codsi uga yimid Spain

Himilo – Kooxda Sevilla ayaa lagu soo waramayaa inay ku sii dhawaatay saxiixa Javier Hernandez ka dib markii weeraryahanka West Ham United  loo gacan galiyay dalab ku saabsan heshiiska.

Hernandez wuxuu ku dhibtooday inuu boos joogto ah helo tan iyo markii uu u dhaqaaqay London Stadium sannadkii 2017-kii, isagoo  dhaliyay 16 gool 31 kulan oo uu ku soo billowday iyo 24 oo beddel ku yimid horyaalka Premier League.

Imaatinka Sebastian Haller iyo Albian Ajeti ayaa ka dhigay 31 jirka inuu yahay dooqa seddexaad ee xulashada, taasoo u muuqatay inuu xiddiga reer Mexico weydiistay inuu ka tago Hammers.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Hernandez ayaa durbaba qarka u saaran inuu u dhaqaaqo Sevilla isagoo wadahadalo la yeeshay kooxda La Liga Isbuucan.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Sevilla ay muujisay inay diyaar u yihiin inay bixiyaan 7 Milyan Ginni, halka West Ham ay isku dayayso inay ku helaan 8 Milyan ginni.

Hernandez ayaa in ka yar hal sano uga harsan tahay qandaraaskiisa kooxda ka ciyaarta Premier League.

Chicharito ayaa shan sanno ku qaatay Manchester United ka dib markii uu ka yimid dalkiisa 2010-kii.

Waxa uu u dhaliyay goolal dhowr ah United ka hor inta uusan u dhaqaaqin Bayer Leverkusen markii uu ammaah kooban  uu ku qaatay Real Madrid.

error: Copy lama Ogola Fadlan