Labaatanka Kooxood Ee Haysta Safafka Ugu Qaalisan Kubadda Cagta Oo La Magacaabay

Himilo – Manchester United ayaa noqotay kooxda haysata ciyaartoyda ugu qaalisan kubadda cagta waqtigan, iyadoo Old Trafford ay ku sugan yihiin saf rikoodh jabis noqday oo ah kuwa ay ku xool-beeshay kooxdani sannadihii ugu dambeeyey.

Daraasad lagu sameeyey kooxaha waaweyn ee Yurub, ayaa waxa ay daboolka ka qaadday in sannadkii 2023 ay Manchester United noqotay kooxda haysata ciyaartoyda ugu qiimaha badan leh, kuwaas oo ku fadhiya lacag dhan €1.422 biyan oo Euro oo u dhiganta £1.21 bilyan oo Gini, waxaanay jabiyeen rikoodhkii ay hore u dhigtay Real Madrid sannadkii 2020.

Qiimayntan waxa aan ku jirin ciyaartoydii ay lacagta badan ku kharash garaysay Manchester United suuqii xagaagii tegay ee ay lasoo wareegtay Rasmus Hojlund, Mason Mount, Andre Onana iyo Altay Bayindir.

Manchester City ayaa noqotay kooxda labaad ee haysata safka ugu qaalisan, waxaana ay safkeedu ku fadhiyaan €1.1286 bilyan oo Euro oo u dhiganta £1.1 bilyan oo Gini, laakiin waxa aan ku jirin saxeexyadii xagaagii tegay ee Josko Gvardiol, Matheus Nunes iyo Jeremy Doku.

Chelsea ayaa soo gashay kaalinta saddexaad, iyadoo markii ugu horreysay ay saddexda naadi ee ugu sarreeya wada yeesheen kooxo Ingiriis ah, halka Real Madrid oo hore kaalinta koowaad ugu jirtay ay u dhacday afraad oo safkeeda uu qiimahoodu yahay €1.08 milyan oo Euro, laakiin waxa aan qiimayntan ku jirin saxeexyadii xagaagii ee Jude Bellingham, Arda Guler iyo Fran Garchia.

Halkan kaga bogo qiimaha safka 20ka kooxood ee haysta ciyaartoyda ugu qiimaha badan:

1. Man United – £1.21 bilyan oo Gini

2. Man City – 1.1b  bilyan oo Gini

3. Chelsea – £927 milyan oo Gini

4. Real Madrid – £882 milyan oo Gini

5. PSG – £802 milyan oo Gini

6. Liverpool – £774 milyan oo Gini

7. Arsenal – £761 milyan oo Gini

8. Juventus – £658 milyan oo Gini

9. Tottenham – £570 milyan oo Gini

10. Inter Milan – £504 milyan oo Gini

11. Barcelona – £493 milyan oo Gini

12. Newcastle – £464 milyan oo Gini

13. Bayern Munich – £457 milyan oo Gini

14. RB Leipzig – £433 milyan oo Gini

15. Aston Villa – £428 milyan oo Gini

16. Napoli – £381 milyan oo Gini

17. West Ham – £379 milyan oo Gini

18. Atletico Madrid – £369 milyan oo Gini

19. Borussia Dortmund – £334 milyan oo Gini

20. AC Milan – £287 milyan oo Gini

 

error: Copy lama Ogola Fadlan