Home / Habka-Nolosha / Lacazette: “UCL majabinayo kuma xirna heshiiska rabitaankayga.”

Lacazette: “UCL majabinayo kuma xirna heshiiska rabitaankayga.”

Muqdisho – Xiddiga Lyon, Alexandre Lacazette ayaa xaqiijiyay inuu hakinayo ka qeyb-galka Champions League xagaaga soo aadan –  fursad uu u siinayo Gunners-ka jeer aysan kamid aheyn tartanka.

Weeraryahanka Faransiiska ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo gegida Emirates Stadiun marar dhowr ah – in kasta oo sugnaan rasmi ah aan lagu xaqiijin.

Wiilasha macalinWenger ayaa xilli-ciyaareedka soo aadan ee 2017-18 kamid noqonayaa tartan Europa League.

Lacazette ayaa si kastaba tilmaamay inuusan indhaha ka xiraneyn naadiga Arsenal maadaama aysan tartanka UCL ku jirin.

“Champion League ma wuxuu burin karaa heshiiska rabitaankayga?” ayuu is weydiiyay. “Maya dabcan, laakiin waa muhiim.”

“Horyaalka PL waa mid xiiso leh. Taasina kama dhigna inaan aado kama dhigna inaan diido.”

“Gaarista go’aanka rabitaankayga, waxaan eeganayaa booska aan ku leeyahay kooxda aan u socdo. Haddii aysan joogin ciyaartoy badan, kuma hari doono keydka. Waxaan helayaa inaan ciyaaro.”

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan