Himilo FM –Waxay yiraahdaan waa suura gal wax kasta marka aad heysato saaxiib wanaagsan oo ku taageeraya xilliga adag ee ku soo mara.
Wiil naafo ah oo ku nool Shiinaha ayaa awood u yeeshay inuu xaadiro fasalka dugsiga muddo lix sanno ah isaga oo aan wax dhib ah dareemin, tani waxaa ugu wacan saaxiibkiisa wanaagsan ee dhabarka ku qaada maalin kasta.
Xu Bingyang oo 12 jir ah ayaa dhabarka ku qaada Zhang Ze si uu u gaarsiiyo dugsiga. Wiilka leh qalbiga naxariista ayaa sidoo kale ka caawiya saaxiibkii cuntada iyo in uu u dhaqaaqi karo fasalada kala duwan si uu u xaadiro casharrada.
Saaxiibtinimada quruxda badan ee ka dhaxaysa labada wiil oo ka soo jeeda magaalada Meishan ee ku taalla koonfur galbeed Shiinaha ayaa waxaa soo warisay warbaahinta dalkaasi ee Sichuan Online iyo Xinhua.
Xu oo ka dheer kana xooggan saaxiibkii Zhang ayaa saxaafadda u sheegay inuu ku faraxsan yahay garabka uu u yahay saaxiibkii. Waxa uu intaa raaciyay inaysan culeys aheyn in uu dhabarka ku qaado Zhang.
“Culeyskeyga waa 40kg isagana(Zhang) waa 25kg, caadi ayay ii tahay inaan qaado, ”ayuu yiri Xu Bingyang.
Dhanka kale, Zhang ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo saaxiibkii oo la sheekeysta islamarkaana daryeela sida laga soo xigtay warbaahinta Sichuan Online.
Xu iyo Zhang ayaa dhigta dugsiga Hebazi Town Central ee ku yaalla xaafadda Qingshen oo dhacda magaalada Meishan.
Wiilka yar ee dugsiga loo qaado ayaa laga helay xannuun murqaha oo mar la arag ah oo sabab u noqday inuusan socon karin.