Himilo- Ma uusan dareemin carruurnimadiisa in uu ka cabanayo xannuun balse hadda ayuu gartay in uu qabo cudur ku dhaca wadnaha oo ku yimaada dhaxal.
Dhallaan badan ayaa u dhinta xannuunkan sannadka koowaad ee noloshooda laakiin John Toms ayaa laga qabanayay wadnaha maalin kasta tan iyo dhalashadiisa.
Wiilka reer Mareykan ayaa lagu sameeyay baaritaan caafimaad bishii August, waxaana dhaqtarka u soo baxday in John uu ka xannuunsanayo wadnaha.
Sida uu qoray Daily Mail, John ayaa ka cabanaya xannuunka ALCAPA oo ah in halbowlayaasha wadnaha aysan si wanaagsan isugu xerneyn.
Inkastoo cudurkan uu galaafto nolosha dhallaanka sannadka koowaad haddana Jirka John ayaa muujiyay awood uu isaga caabiyay xaaladda.
Dhibbanaha 14 jirka ah ayaa galay qaliin socday 4 illaa 6 saacadood. Dhaqaatiirta ayaa ku guuleystay inay daweeyaan John oo laga saaray isbitaalka labo toddobaad kaddib.