Home / Deegaan / Lakulan – 60 jirka ay reer Hindiya ugu yeeraan ‘Ninka Keynta’

Lakulan – 60 jirka ay reer Hindiya ugu yeeraan ‘Ninka Keynta’

Himilo – Magaciisu waa Jadaf Payeng, waa 60 sanno jir beeraley ah, waxa uu ku nool yahay guri iska meel dhexaad ah oo ku yaalla Waqoyiga Hindiya balse dhinaca danbe ee hoygiisa waxa uu ku arkay geedo sii dhimanaya, wabiga oo fatahaya, xayawaannada oo sii cararaya iyo dhulka  oo gabi ahaanba isu beddelay lama degaan balse halkii uu wax la’aan ahaan lahaa waxa uu sameeyay wax aad u sahlan.

Waxa uu beeray geed, maalin kasta waxa uu beertiisa ka jarayey geedo waxaa uu lugeynayay 20 daqiiqo si uu u soo qaato doon maadaama uu  doonayay in uu ka gudbo wabiga kaddibna waxa uu u lugeynayay muddo laba saac ah si uu u gaaro halka uu doonayay in uu keynta u beddelo, tani waa cajiib waana uu sameeyay, maalinba maalinta xigtay muddo seddex billood ah, sannad sannadka xigay oo ay ugu danbeyn qaadatay 40 sanadood hadda waa keyn cagaaran. Jadaf waxa uu keyntiisa ku sheegay inay la eg tahay 550 hektar.

Sannado badan kaddib xayaawannada ayaa billaabay in ay degaansadaan halkan kuwaasi oo ay kamid yihiin Maroodiga, Shabeelka, Wiyisha iyo Deerada. Keyntiisa waxa ay soo jiidatay duur-joogta.

Dadka Hindiya waxa ay ugu yeeraan ‘Ninka Keynta,’ waxa uu guddoomay abaal-marino badan kaddib dadaalkiisa aan la iska indha tiri karin oo uu sameeyay.

Sida ay ku billaabatay aragtida keynta, markii uu usoo idlaaday imtixaanka fasalka 10-aad ayuu kasoo kici tamay Baligaon Jagannath isaga oo dib ugu soo laabtay Aruna Sapori, balse nasiib darro waxa uu arkay boqolaal masas ah oo weysan meel ay sal-dhigaan.

“Odeyaasheyda ayaan weydiiyay maxay sameyn doonaan haddii aan dhammaanteen hal  maalin dhimano sida abeesooyinkan. Way qosleen oo ay dhoola caddeeyeen, laakiin waan ogaa in aan sameyn doono goob cagaaran,” ayuu u sheegay The Better India.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan