Home / Habka-Nolosha / Lakulan – Beeraley qaab cusub ugu labista shaqadiisa

Lakulan – Beeraley qaab cusub ugu labista shaqadiisa

Himilo – Kiyoto Saito, oo beeraley da’yar ah oo ku nool dalka Japan ayaa isku dayaya inuu badalo aragtida dadku ka heystaan howlaha beer limista iyo falka. Haddii uu kaxaynayo cagaf-cagaf ama uu ku joogo jilbihiisa, Kiyoto wuxuu aalaaba xirtaa koor iyo suut dhamaystiran iyo luqun-xir ‘tie.’

Qoyska Kiyoto waxay muddo 400 oo sanadood ah ku jiraan howlaha beeraleyda – qodaalka, limista, waraabinta iyo wixii lamid ah. Hayeeshe, da’yar ahaan, wuxuu dhaqankan u arkay mid lagu caajiso. Wuxuuna u kacay magaalada. Wuxuu sanado kahor markuu kusoo laabtay degmadiisa go’aansaday inuu qoyskiisa kala dhinac shaqeeyo beeraha – balse maya muuqaalkii ay ku how-gali jireen. Wuxuu la-qabsaday xirashada tie iyo koor isku joog ah mar kasta.

Fikradda xirashada waxay ku bilaabay si kaftan ah. Maalin ayaa walaalkii kula kaftamay haddii lagu howl-gali karo koor isku joog ah marka beeraha laga shaqeynayo, balse Kiyoto wuxuu u qaatay si dhab ah isaga oo u arkay tubta ugu toobiyaysan oo uu ku badali karo aragtida beeraleydu ka heystaan labista iyo xirashada.

Dadka oo aaminsan in aadan hufnaan karin maalinta oo dhan iyo suuraysiga sida loogu xiran karo koor shaqadan oo kale ayaa ka dhigtay in fikraddiisu aysan helin baraaruggii uu rabay.

Hayeeshe dadaal dheer kaddib, wuxuu maray waddo kasta oo uu ku suura-galin karo in la aqbalo labiskiisa iyo shaqadiisa sida ay iskugu soo baxayaan. Maanta, Kiyoto wuxuu sheegay in dad badan ay taageersan yihiin aragtidiisa hab-labiseedka. Wuxuuna ku hal-adag yahay inuu kusii socon doono.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan