Home / Macluumaad / Lakulan – Bisadda leh wejiga cabsida badan

Lakulan – Bisadda leh wejiga cabsida badan

Himilo – Warbaahinta caalamka ayaa marar badan wax ka qortay xayawaannada ugu quruxda badan caalamka oo ay qaarkood leeyihiin bogag gaar ah.

Haddii aad horay u akhrisatay sheeko ku saabsan bisadda ugu quruxda badan dunida hadda waxaan  qoraalkan kooban kuugu tilmaameynaa midda leh wejiga ugu cabsida badan.

Xherdan ayaa loogu yeeraa. Waxay leedahay weji cabsi badan laakiin haweenayda xannaaneysa Sandra Filippi oo 47 jir ah ayaa sheegtay inay u qabto jaceyl xad dhaaf ah inkasta oo wajigeeda uusan aheyn mid soo-jiidasho leh.

Ms Sandra oo ka soo jeeda magaalada Rüti ee Switzerland ayaa xustay in bisadeeda tahay mid wanaagsan oo hurdo jecel islamarkaana si wanaagsan ula dhaqanta bini’aadamka.

Waxay intaa raacisay in marka hore dadka ka baqaan balse ugu danbeyn la qabsadaan sida Xherdan u tahay saaxiib wanaagsan oo xiiseysa cayaaraha.

“Markii hore ee aan arkay, waxay xadday qalbigeyga. Midabkeeda iyo indhiheeda, waan jeclaaday,” Ms Sandra ayaa hadalkeeda ku soo gabagabeysay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan