Home / Dhaqaale / Lakulan – Da’yarkii hoy la’aanta ahaa ee noqday milyaneer

Lakulan – Da’yarkii hoy la’aanta ahaa ee noqday milyaneer

Himilo – Wiil dhallinyaro ah oo u dhashay Australia islamarkaana ahaa hoy la’aan ayaa noqday Milyaneer isaga oo da’diisa aysan dhaafsiisneyn 21 jir.

Harry Sanders oo ku nool Melbourne ayaa ah milkiilaha shirkada Studiohawk oo qiimaha ay ku joogto suuqa uu yahay 1 Milyan oo doolar.

Da’yarkan ayaa muddo sannad ah oo hoy la’aan uu ahaa ku qaatay wadooyinka magaalada Melbourne isaga oo marba u guuraya dhinac.

Casharrada uu ka bartay nolosha hoy la’aanta iyo dayaca ayaa ka caawiyay Harry in uu noqdo maalqabeen heysta lacag fara badan.

Mr Harry ayaa tilmaamay in nolosha barakaca ay kordhisay biseylnimadiisa iyo adkeysiga iyadoo caqabadaha ka dhigeen shaqsiyad adag oo la nool kalsooni buuxda.

Marka uu aas-aasay shirkadiisa sannadkii 2017, Harry ayaa go’aansaday in uusan dib u laaban oo ay tahay in uu si adag u shaqeeyo islamarkaana guusha tahay doorashada keliya ee uu heysto.

Shirkada Studiohawk ayaa ka shaqeysa hagaajinta aaladaha wax lagu raadiyo ee Internet-ka iyadoo caawisa shirkadaha waaweyn.

Gunnaanadkii, Harry ayaa soo jeediyay tallooyin ku socda qof kasta oo doonaya in uu qaado wadadiisa, waxaa kamid ah in qofka uu qaato 8 saacadood oo hurdo ah habeenkii islamarkaana uu joogteeyo akhriska iyo barashada xirfadaha.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan