Himilo – Inta badan ma dhacdo in bukaanada bixiyaan lacagta ay awoodaan marka ay booqanayaan isbitaalada, waxay ku qasban yihiin inay bixiyaan inta lagu qoro.
Taasi caksigeeda, dhaqtar ku nool magaalo ku taalla Koonfur Afrika ayaa beddalaya aragtidaasi isaga oo ka qaadaya bukaanada inta ay la egtahay awoodooda.
Dr Paulo de Valdoleiros oo 56 jir ah ayaa sameynaya isbadal dhanka bulshada ah tan iyo markii uu albaabada u furay xaruntiisa caafimaad oo ku taalla magaalada Bloemfontein.
Bukaanada uu daweeyo ayaa laga codsadaa inay bixiyaan inta ay awoodaan, waxayna tani noqotay hadal-heynta ugu badan ee Koonfur Afrika.
Mr Valdoleiros oo caafimaadka ka bartay jaamacadda University of the Free State isagoo 45 jir ah ayaa sheegay inay riyadiisa ahayd caafimaadka islamarkaana ay ku qaadatay illaa da’da 40-ka sanno si uu u xaqiijiyo.
“Waxaan noqday 45 jir, waxaan doonayay inaan sameeyo dadaal oo aan barto caafimaadka,” ayuu yiri Valdoleiros.
Tan iyo markii uu bilaabay shaqadiisa, waxa uu daweeyay ku dhawaad 50 bukaan oo laga qaaday lacag aan badneyn.
Dr Valdoleiros ayaa intaa raaciyay “Bukaanada way imaan karaan xilli kasta, waxaana laga qaadayaa lacagta ay awoodaan.”