Home / Dhaqaale / Lakulan – Gabadha 19 jirka ah ee magacyada u bixisa carruurta Shiinaha

Lakulan – Gabadha 19 jirka ah ee magacyada u bixisa carruurta Shiinaha

Himilo FM –Beau Jessup oo 19 jir hal-abuure ah ayaa boqolaal kun oo doolar waxay ka heshay adeeggeeda online-ka ah ee “Special Name” kaasi oo waalidiinta Shiinaha ka caawiya inay magac Ingiriis ah u dooraan carruurtooda.

Dalka Shiinaha, magac habboon oo loo helo cunugga dhasha waa howl culus. Marka cunugga loo bixinayo magac Shiinees ah, waxay inta badan waalidiinta doortaan labo illaa seddex xaraf oo sameyn kara macno laakiin marka la siinayo magac Ingiriis ah si uu ula falgalo dadka ku hadla luqadda waa howl ku adag waalidiinta.

Caqabadan waxay fursad u abuurtay gabadha la yiraahdo Beau Jessup oo sameysatay shirkadda Special Name oo lacag yar ka qaada waalidiinta Shiinaha iyada oo u bandhigaysa magacyo Ingiriis ah oo ku fadhiya macno sida daacadnimo iyo hammi.

Seddexdii sanno ee la soo dhaafay, Jessup ayaa suurta gelisay magac bixinta 677,900 oo ah carruur Shiinees ah, waxayna ka heshay inka badan 400 kun oo ah lacag ku filan inay isaga bixiso kharashaadka dugsiga.

Gabadha yar ayaa la timid fekerka shirkadda Special Name sannadkii 2015-kii kaddib markay aabaheed u raacday safar ganacsi oo uu ku tagay Shiinaha. Mrs. Wang oo ganacsi wadaag yihiin aabaheed ayaa Jessup weydiistay inay ka caawiso magac Ingiriis ah oo uu u bixiyo gabadhiisa.

Jessup oo u dhalatay Britain ayaa dareentay farxad iyo sharaf  iyadoo durba xaqiiqsatay ahmiyadda baahida qaar kamid ah waalidiinta Shiinaha u qabaan magacyo Ingiriis ah oo ay siiyaan carruurtooda.

“Waxaan dareemay in haddii Mrs. Wang u baahan yahay adeeggan, in waalidiinta kale u baahan karaan,” ayay tiri gabadha 19 jirka ah oo la hadashay warbaahinta CNBC.

Si kasta, Beau Jessup ayaa ku faraxsan shaqadeeda online-ka ah, waxaana lacagta ka soo gasha isaga bixisaa kharashaadka waxbarasho ee lagu soo dallaco.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan