Home / Caruurta / Lakulan – Gabadha 5 jirka ah ee xifdisan magacyada madaxdii soo martay dalkeeda

Lakulan – Gabadha 5 jirka ah ee xifdisan magacyada madaxdii soo martay dalkeeda

Himilo – Qabashada magacyada madaxda way ku adag tahay dad badan laakiin waa mid u sahlan gabadha reer Mareykan ee Brooke Ryan.

Gabadha yar oo aysan da’deeda dhaafsiisneyn 5 sanno ayaa xifdisan magacyada 45-kii madaxweyne ee soo martay Mareykanka sida uu baahiyay kanaalka WLOX.

Finley Hughes oo ah macallimadda gabadha ayaa sheegtay in Brooke leedahay awood aan caadi aheyn oo ay si fudud ugu xifdin karto casharrada. Waxay xustay inay aragtay cunugta yar oo ku celinaysa hees ay mar qura ka maqashay raadiyaha.

Brooke oo la hadashay kanaalka WLOX ayaa sheegtay in maalin kasta ay xifdin jirtay magacyada seddex madaxweyne oo Mareykan ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan