Home / Habka-Nolosha / Lakulan – Gabadha reer Afghanistan ee afkeeda ku sameysa farshaxanka!

Lakulan – Gabadha reer Afghanistan ee afkeeda ku sameysa farshaxanka!

Himilo – Rababa Mohammadi  oo ka soo jeeda Afghanistaan ayaa caddeysay in naafanimada aysan aheyn awood la’aan iyada oo afkeeda ku sameysa farshaxan qurux badan.

Gabadha 20 jirka ah ayaa sheegtay in uu saameyn ku yeeshay farshaxan ubax ah oo ay ka daawatay telefishin iyada oo jirta da’ yar.

Rababa ma aysan qaadan waxbarasho nolosheeda laakiin sidaasi oo ay tahay illaa maanta waxay afkeeda ku nashqadeysay 250 farshaxan.

Dakhliga yar ee ka soo gala xirfadda farshaxanka ayay ku caawisaa qoyskeeda iyada oo sidoo kale bixisa casharro ku saabsan farshaxanka oo ay si gaar ah u siiso dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Waxay sheegtay inay jeceshahay farshaxanka “ Waxaan leeyahay dhammaan dadka naafada ah in aysan ka tanaasulin himiladooda oo ay muujiyaan dulqaad iyo dhabbar adeeg.”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan