Himilo -Kong Zhenlan oo ka soo jeeda gobalka Shanx ee dalka Shiinaha ayaa nolosheeda u hibeysay korriimada carruurta agoonta ah 40-kii sanno ee la soo dhaafay iyada oo hubinaysa inay heystaan cunto ku filan iyo adeeg waxbarasho.
Inkastoo ay wajahaysay dhaqaale xummo haddana Ms Kong ayaa ku dhiiratay inay carruurta agoonta ka soo kaxeyso wadooyinka iyada oo siinaysay hoy iyo daryeel caafimaad.
Haweenayda ayaa billowday inay koriso agoonta 47 sanno kahor iyadoo ku guuleysatay inay waxbarto 45 agoon oo qaarkood ay noqdeen dhaqaatiir iyo sharci-yaqaano.
Carruurta ay korisay waxaa ugu weyn 45 jir halka uu immika ugu yaryahay mid jira 9 billood. Waxaa maanta xagga dhaqaalaha ka taageera agoontii ay soo korisay.
Dhaqanka wanaagsan ee Kong waxaa kamid aha inay markasta hubiso in carruurta qaateen caano iyo cunto oo uusan jirin cunug la hilmaamay.
Ms Kong ayaa ku sheegtay muuqaal la soo duubay inay seexan jirtay labo saacadood oo keliya habeen kasta 40-kii sanno ee la soo dhaafay.
Waxay aaminsan tahay in waxbarashada tahay dawada ugu wanaagsan ee saboolnimada, tani waxay horseeday inay carruurta agoonta geyso dugsiyada waxbarashada.
“Sannadaha hore, waxaan ku boorin jiray inay si adag ugu dadaalaan waxbarashada,” ayay tiri Kong Zhenlan.
Iyadoo da’ ah islamarkaana dareemaysa culeysyo caafimaad ayay haddana u hibeysay nolosheeda agoonta ku dayacan Shiinaha.
Sheekada haweenayda ayaa noqotay midda ugu hadal-heynta badan baraha bulshada Shiinaha bishii la soo dhaafay iyadoo boqolaal qofood ammaan huwiyeen Kong.