Lakulan – Lamaanaha ku nool jasiirad fog muddo 15 sanno ah!

Himilo – Hüseyin Afacan iyo xaaskiisa Ayşe Afacan oo da’doodu tahay toddobaatameeyo ayaa ku nool jasiiradda fog ee Çiçek muddo 15 sanno ah sida laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah ee Turkiga.

Waxaa ku yaalla jasiiradan geedaha nuucyadooda kala duwan oo ay caan ku tahay iyadoo lamaanaha ku tiirsan yihiin xanaaneynta diggaaga.

Lamaanaha oo loo yaqaano magaca ah “Turkish Robinsons” ayaa ku nool dhismo ka sameysan dhagxaan oo ku yaalla jasiiradda oo ay degganaayeen dadka Giriig ah dhowr sanno kahor.

Sida uu ku soo waramayo wargeyska Hurriyet ee dalka Turkiga, Mr Hüseyin iyo xaaskiisa ayaa sheegay inay dareemayaan farxad marka laga soo tago caqabadaha jasiiradda ka jira.

Qoyskan reer Turki ayaa ku noolaa dalka Jarmalka muddo 25 sanno ah iyadoo markii danbe u soo wareegeen Turkiga kaddib dhimashada wiilkooda sannadkii 2003-dii.

Waxay go’ansadeen markii uu dhintay wiilkooda inay deggaan jasiiradda yar ee ku fadhisa bad dhan 275 kun oo ah Mitir laba jibaaran.

Hüseyin Afacan ayaa warbaahinta u sheegay in uu nololo caafimaad iyo nabad galyo ah uu ku heysto jasiiradda  islamarkaana aysan dareemin kelinimo maadaama ay soo booqdaan qaraabada.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan