Home / Habka-Nolosha / Lakulan – Lamaanaha ku nool jasiirad fog muddo 15 sanno ah!

Lakulan – Lamaanaha ku nool jasiirad fog muddo 15 sanno ah!

Himilo – Hüseyin Afacan iyo xaaskiisa Ayşe Afacan oo da’doodu tahay toddobaatameeyo ayaa ku nool jasiiradda fog ee Çiçek muddo 15 sanno ah sida laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah ee Turkiga.

Waxaa ku yaalla jasiiradan geedaha nuucyadooda kala duwan oo ay caan ku tahay iyadoo lamaanaha ku tiirsan yihiin xanaaneynta diggaaga.

Lamaanaha oo loo yaqaano magaca ah “Turkish Robinsons” ayaa ku nool dhismo ka sameysan dhagxaan oo ku yaalla jasiiradda oo ay degganaayeen dadka Giriig ah dhowr sanno kahor.

Sida uu ku soo waramayo wargeyska Hurriyet ee dalka Turkiga, Mr Hüseyin iyo xaaskiisa ayaa sheegay inay dareemayaan farxad marka laga soo tago caqabadaha jasiiradda ka jira.

Qoyskan reer Turki ayaa ku noolaa dalka Jarmalka muddo 25 sanno ah iyadoo markii danbe u soo wareegeen Turkiga kaddib dhimashada wiilkooda sannadkii 2003-dii.

Waxay go’ansadeen markii uu dhintay wiilkooda inay deggaan jasiiradda yar ee ku fadhisa bad dhan 275 kun oo ah Mitir laba jibaaran.

Hüseyin Afacan ayaa warbaahinta u sheegay in uu nololo caafimaad iyo nabad galyo ah uu ku heysto jasiiradda  islamarkaana aysan dareemin kelinimo maadaama ay soo booqdaan qaraabada.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan