Himilo – Hilal Arbash oo ah macallimad dhigta dugsi ku yaalla gobalka Amasya ee dalka Turkiga ayaa maalin kasta u diyaarisa ardaydeeda maraq ay quraac ka dhigtaan tan iyo muddo 18 sanno ah.
Sida laga soo xigtay wakaalada Anadolu, haweenayda ayaa gurigeeda ku soo diyaarisa maraqa iyada oo subax kasta keenta fasalada halkaasi oo ay ku siiso ardayda.
Ardayda ayaa dareen jaceyl u qaba Hilal oo aan u aheyn keliya bare balse ay kala kulmaan dareenka hooyada dhashay oo kale.
Ms Hilal ayaa sheegtay inay aragtay in ardayda yimaadaan dugsiga iyaga oo aan soo qaadan quraac taasina uu qalbigeeda qaadan waayay. Waxay xustay inay ku fekertay inay sameyso nuuc kasta oo caawin ah.
“Sida caadiga ah, carruurta ayaa yimaada dugsiga iyaga oo aan soo quraacan, taasi waxay saameyn ku leedahay fahamkooda casharrada sabab la xiriirta gaajada, quraacda waa muhiim,” ayay tiri Hilal Arbash.
Waalidiinta iyo dadka ka mas’uulka ah ardayda ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin dhaqanka macallimadda oo ay boggaadiyeen.