Home / Dhaqaale / Lakulan – Ninka haddiyad la guddoonsiiyay ku noqday Milyaneer!

Lakulan – Ninka haddiyad la guddoonsiiyay ku noqday Milyaneer!

Himilo- Chinmoy Depp Roy ayaa ku guuleystay tikit bakhtiyaa nasiib ah oo ku fadhiya qiimo lacageed oo dhan 1 Milyan oo lacagta Kanada ah.

Mr Chinmoy ayaa shidaal ka qaadanayay xarun ku taalla magaalada Saskatoon isaga oo ka iibsaday tikit bakhtiyaa nasiib ah balse tikit kale oo haddiyad ah ayay u raacisay gabadha joogtay xarunta shidaalka.

Tikit-ka bakhtiyaa nasiibka ah ee uu iibsaday waxaa ku jirtay lacag dhan 10 doolarka Kanada hase ahaatee midka loo siiyay haddiyadda ayuu ku noqday guuleystaha 1 Milyan oo lacagta Kanada ah.

Sida laga soo xigtay warbaahinta UPI,  gabadha xarunta shidaalka ayaa ku gaabsatay aamusnaan markay oggaatay lacagta ku jirtay tikit-ka ay haddiyadda u siisay darawalka gaadiidka.

“Waxay igu tiri ma bixin karo lacagtan, waxay ku qeylisay in aan ku guuleystay 1 Milyan oo lacagta Kanada ah,” ayuu yiri Mr Chinmoy

“Dhab miyay kaa tahay ayaan ugu jawaabay.”

Guuleystaha nasiibka badan ayaa qorsheynaya in uu iska bixiyo deymaha lagu leeyahay. Lacagta baaqiga u noqoneysa waxa uu doonayaa in uu ku kaalmeeyo waxbarashada carruurta.

Waxaa laga soo xigtay in uusan shaqadiisa ka tagi doonin isaga oo yiri “Marka aan shaqeynayo, waxaan dareemayaa in aan ku jiro xaalad wanaagsan.”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan