Himilo FM –Muddo 24 sanno ah ayuu ka shaqeynayay warshad hase ahaatee waxaa hadda u yimid nasiibkiisa isaga oo ku guuleystay bakhtiyaa nasiib ku kacaya 94 Milyan oo Doolar.
Ade Goodchild oo da’diisu tahay 58 jir ayaa noqday mid kamid ah dadka ugu nasiibka badan Ingiriiska markii uu ku guuleystay bakhtiyaa nasiibka ugu weyn dalkaasi.
Isaga oo ka hadlaya guushiisa ayaa waxa uu yiri “Waxan ka qeybgalay bakhtiya nasiib badan, waxaan markasta nafteyda u sheegayay inaan noqon doono nin lacag badan leh maalin maalmaha kamid ah.”
Waxa uu intaa raaciyay “Waxan marka hore u qaatay inaan ku guuleystay 71 kun oo Pound hase ahaatee waxaan xaqiiqsaday inay tahay 71 Milyan oo Pound.”
Sida laga soo xigtay, Mr Ade ayaan dib u shaqeyn doonin isaga oo hadda doonaya inuu booqdo xarumaha dalxiiska caalamka gaar ahaan Masar.
Wargeys ka soo baxa dalka Ingiriiska aya tilmaamay in Mr Ade uu daneynayo dhammaan inuu beddalo noloshiisa islamarkaana uu iibsado guri laga heli karo wax kasta oo la xiriira cayaaraha.