Home / Macluumaad / Lakulan: Ninka kuleylka Cadceedda ku duba hilib Digaaga!

Lakulan: Ninka kuleylka Cadceedda ku duba hilib Digaaga!

Himilo – Sila Sutharat, oo ah digaag-dube ku nool  Phetchaburi, Thailand ayaa la yimid hal-fikir lala dhacay kaas oo uu ku dubo digaaga. Halkii uu ka isticmaali lahaa dhuxul iyo danab, wuxuu adeegsadaa 1,000 dhalooyin moobil ah kuwaas oo sare u qaada heerkulka kuleelka cadceedda kusoo dhacda. Wuxuu asal ahaan ku kariyaa hilibka hal digree ka badan 300 centigrade oo kuleelka qorraxda ah.

Sida kuwa kale, Silva wuxuu wax ku karsan jiray dhuxul, hayeeshe taasi waxay is badashay sanadkii 1997, markii koox deegaanka u kuur-gasha ay siisay fikrad suuban. Hal maalin, ayaa waxaa ku dhacay suudiga kulul ee cadceedda oo kaga yimid muraayadda dariishad gaari ag-marayay. Wuxuuna dareemay kuleylkeeda.

“Waxaa tani runtii loo badali karaa danab koronto,” Sila ayaa naftiisa u sheegay, wuxuuna bilaabay helidd agabkii uu u adeegsan lahaa keydsiga kuleylka cadceedda.

“Waxay igu dhaheen waad waalan tahay; waayo sidan inaad digaag ku dubto ma ahan suura-gal,” Sutharat ayaa u sheegay AFP sida dadku kaga fal-celiyeen hal-fikirkiisa. Hayeeshe uma oggolaan in kaftanka iyo caayda ay ku hayaan caqabad ku noqoto, ugu danbeynna, wuxuu noqday mid iyaga ku qoslay.

Daahfurkiisa oo ah 1000 muraayado isku dhagan inay kuleylka kaga soo dhaca qorraxda ugu keydiyaan kuleel uu ku dubto digaaga, waxay u hir-gashay siduu u saadaaliyay.

Waxayna taasi u sahashay in 1.5 kg oo digaag ah uu ku dubo 10-15 daqiiqo. Waqti dheer kadib, dadku waxay ku yiraahdeen; “Runtii waad ka baxsatay.”

 Suthrat wuxuu sheegay in hurka kasoo baxa kuleylka muraayadaha ay gaarayaan 312 degrees Celsius, waana taas sababta uu u xirto weji-xir ‘maasgaro’ – kuleylka aawadiis.

Jaamacadda Phetchaburi Rajabhat University ayaa garowsatay hal-abuurka Sila, waxayna ku abaal-guday billad sharafta heerka sayniska.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan