Home / Arrimaha Bulshada / Lakulan – Ninka labo jeer ka bogsaday kansar ee haddana ku guuleystay bakhtiyaa nasiib

Lakulan – Ninka labo jeer ka bogsaday kansar ee haddana ku guuleystay bakhtiyaa nasiib

Himilo- Stu MacDonald oo ka soo jeeda gobalka Oregon ee dalka Mareykanka ayaa lagu tilmaamay in uu yahay ninka ugu nasiibka badan caalamka kaddib markii uu ka bogsaday kansar labo jeer islamarkaana uu ku guuleystay bakhtiyaa nasiib.

Bogga CNN-ka ayaa qoray in Stu MacDonald uu iibsan jiray kaararka bakhtiyaa nasiibka gobalka Oregon mar kasta oo ay xaaskiisa ka dalbato.

Waxaa jiray toddobaad aysan xaaskiisa ka codsan in uu qaato kaarka bakhtiyaa nasiibka laakiin uu caawiyay nasiibka markii uu goostay. Waxa uu ku guuleystay lacag dhan 4.6 Milyan oo doolar.

“Waxaan ahay qof nasiib badan, waxaan ka bogsaday kansar labo jeer, waxaana ku guuleystay maanta bakhtiyaa nasiib,” ayuu qoraal ku yiri Stu MacDonald.

Markii laga gooyay canshuurta, Mr MacDonald ayaa helay 1.5 Milyan oo doolar isaga oo 46 kun ugu deeqay xaruntii uu ka iibsan jiray kaararka.

Ninka ka soo jeeda gobalka Oregon ayaa diiday in uu ka soo muuqdo warbaahinta islamarkaana uu bixiyo wareysiyo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan