Himilo FM – Dhowr toddobaad oo uu safar ahaa kaddib, badmareen u dhashay Jabaan ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee aragga la’ ee ka gudba badweynta Pacific-ga isaga oo saaran doon.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Jabaan, Mitsuhiro Iwamoto oo 52 jir ah ayaa gaaray dekadda Fukushima isaga oo saaran doon dhirirkeedu yahay 12 Mitir kaddib labo billood markii uu ka soo tagay California.
Badmareen Amerikaan ah ayaa caawinayay iyadoo uu siinayay macluumaadka muhiimka ah ee la xiriira dabeysha.
Guusha ninkan ayaa ku timid isku daygii labaad ee uu sameeyo kaddib markii uu lix sanno kahor ku guuldareystay safar uu rabay in uu kaga gudbo badweynta Pacific-ga.
Ninka huray naftiisa ee reer Jabaan ayaa isaga oo u dabaal dagaya guushiisa waxa uu yiri “ Waxaan joogaa gurigeyga, mahadsanidiin.”
“Ma aanan isdhiibin, waan xaqiijiyay riyadeyda kaddib markii aan noqday qofkii ugu horreeyay ee naafo ka ah aragga ee ka gudba Pacific-ga,” Mr Iwamoto ayaa u sheegay wakaalada Kyodo.
Ninka reer Jabaan oo naafo ka noqday aragga isaga oo 6 jir ah ayaa qaatay khatarta safarka si uu lacag ugu uruuriyo hay’ad caawisa dadka aragga la’.