Home / Deegaan / Lakulan – Ninka ugaarsaday ee dilay 5,000 Maroodi

Lakulan – Ninka ugaarsaday ee dilay 5,000 Maroodi

Himilo FM – Ron Thompson oo u dhashay Zimbabwe ayaa ugaarsaday oo dilay 5,000 oo maroodi iyo boqolaal kale oo kamid ah duur-joogta 50-kii sanno ee ugu danbeysay.

Waxa uu dhawaan sheegay in uusan marnaba dareemeyn qoomamo la xiriirta waxa ugu dhigan sooyaalkiisa qofeed isaga oo xusay in dhibka ugu weyn ee jira uu yahay kooxaha u ololeeya xuquuqda xayawaanada.

Ugaarsadaha howlgabka noqday ayaa u waramay wargeyska The Independent isaga oo tilmaamay in uusan aheyn dhiig cab sida dad badan ka aaminsan yihiin. Waxa uu sheegay in uu rumeysan yahay in duur-joogta la xakameeyo si loo hubiyo inaysan soo dhaafin xeyndaabka noloshooda.

“Inkastoo ay been badan iga faafiyeen kooxaha difaaca xayawaanada haddana toogashada boqolaal xayawaan waxay ahayd keliya shaqo,” ayuu yiri Ron Thompson.

Waxa uu intaa raaciyay “Marnaba kama qoomameynayo ugaarsiga aan sameeyay waayo ma aheyn dhibaato.”

Mr Ron oo ah 77 jir ayaa qaba aragtida ah in dhibaatada tahay khubarada reer galbeedka ee dadka u tilmaamaya  sida howsha loo qabanayo.

Bogga rasmiga ah ee uu leeyahay ugaarsadaha sida weyn loo dhaleeceeyo ayaa qoray in Ron uu ugaarsaday 5 kun oo maroodi, 800 dameer-farow ah, 60 libaax iyo 40 shabeel.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan